Wednesday, March 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gabdho saxafiyiin ah oo lagu dilay Afghanistaan

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
5 years ago
in Wararka
0
Gabdho saxafiyiin ah oo lagu dilay Afghanistaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Sadex gabdhood oo u shaqeynayay muuq-baahiye (TV) ku yaala magaalada Jalalabaad ee dalka Afghanistan ayaa toogasho lagu dilay, waxa u muuqda hirar dilal qorsheysan ah.

Wararka ayaa sheegaya in gabdhaha la dilay da’dooda u dhexeysay 18 ilaa 20 sano jir, kuwaas oo lagu dilay labo dhacdo oo kala gaar gaar ah, balse u muuqda in isku meel laga soo qorsheeyay, sidoo kale mid affaraad ayaa dhaawac halis ah soo gaaray.

Related posts

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026

Booliisku waxay sheegeen in ay xireen hogaamiyaha dableyda dilka fulisay kaas oo lala xiriiriyay Talibaan, inkastoo kooxdu beenisay in ay lug ah ku leeyihiin dilka.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP, Mursal Waxiidi waxaa la beegsaday xilli hougeeda ku sii jeeday halka labo gabdhood oo la oran jirey Shahnaz iyo Sacdiya lagu dilay labo weerar.

Gabdhaha saxafiyiinta ah waxay u shaqeyn jireen telefishin gaar loo leeyahay  ee Anikas TV, agaasime Zalmai Latifi ayaa sheegay in sadexda gabdhood ee la dil ay ahaayeen kuwo dhowaan uun ka soo qalin jabiyay dugsi sare.

Afghanistaan waxaa ka socda dilal is dabo joog ah oo lagu bartilmaameedsado, saxafiyiinta, ololeeyeyaasha iyo siyaasiyiinta.

Taliyaha booliiska gobolka Nangarhar Juma Gul Hemat ayaa wakaaladda AFP u sheegay in ay xireen hogaamiyaha dableyda xilli uu isku dayay in uu baxsado, isagoo intaas ku daray in ninka la hayo uu qirtay dilka sidoo kale ka tirsan yahay Taliban.

Enikas TV ayaa sheegay in 10 gabdho oo saxafiyiin ah ka howlgalaan affar kamid ah ayaa dilay oo ay ku jirto Malalai Maiwand oo dilay bishii December.

Bishii hore labo qaadi ama xaakim oo ka tirsan maxkamadda sare ayaa lagu toogtay caasimadda wadanka ee Kabul.

Previous Post

Xukuumadda FS oo soo saartay go’aanno looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19

Next Post

Madasha isbadalka cimilada ee Qaranka (NCOF) oo maanta ku furantay habka fogaan Arraga+Sawirro

Next Post
Madasha isbadalka cimilada ee Qaranka (NCOF) oo maanta ku furantay habka fogaan Arraga+Sawirro

Madasha isbadalka cimilada ee Qaranka (NCOF) oo maanta ku furantay habka fogaan Arraga+Sawirro

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

Boqolaal Qoys oo abaartu saameysay oo biyo dhaamin loogu sameeyay deegaanno hoostaga  Baydhabo 

March 25, 2026
0

Boqolaal qoys oo ka mid ah dadka ay saameysay abaarta daran ayaa gargaar biyo dhaamin ah laga gaarsiiyay deegaanno hoostaga...

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

Arday Soomaaliyeed oo ku guuleystay Abaal-marin Caalami ah tartan ka dhacay Shiinaha

March 25, 2026
0

Arday Soomaaliyeed ayaa guul taariikhi ah ka gaaray tartan caalami ah oo lagu qabtay dalka Shiinaha, iyagoo matalayay magaca iyo...

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

Xukunka Ninkii Basaasay Feeryahanad Ramla Cali iyo Kooxdiisa

March 24, 2026
0

Cabdisalaam Maxamed Xasan, Cabdullahi Cusmaan Maxamed, Cabdinaasir Cumar Axmed Subeyr, Faadumo Cismaan Subeyr Cali iyo Leylo Seef Faarax Axmed, Ayaa...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo kulan mira dhal ah la qaatay Major General Claude K.

March 24, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In