Wasiirka wasaaradda arrimaha guduha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudaneย Muqtaar Xuseen Afrax ayaa Magaalada Baladweyne kulan kula qaatay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Gobolka Hiiraan.
Wasiirka iyo Odayaasha ayaa ka wada hadlay sidii loo dar-dar gelin lahaa nabad gelyada Gobolka iyo arrimaha dib u heshiisiinta bulshada halkaasi ku dhaqan.
Qaar ka mid ah Odayaasha oo shirkaasi ka hadlay ayaa aad usoo dhoweeyay howlaha dib u heshiisiinta ee ay Dowladda Federaalka ka waddo Gobolka Hiiraan.
ย ย