Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo Haweenka Soomaaliyeed ku bogaadisay kaalintooda ku aadan Nabadda iyo horumarka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
6 years ago
in Wararka
0
QM oo Haweenka Soomaaliyeed ku bogaadisay kaalintooda ku aadan Nabadda iyo horumarka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinayaan haweenka Soomaaliyeed kaalintooda mugga leh ee ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxayna ku baaqayaan in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabo cad si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka-qaybgal buuxa oo haweenku ku yeeshaan dhammaan qaybaha nolosha

“Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Wadahadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa looguna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la taaban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaasadeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed.”

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Haweenka hoggaanka haya: Xaqiijinta mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida uu ka jiro cudurka COVID-19’. Iyadoo Soomaaliya ay la kulantay mowjad cusub ee cudurka saf-marka ah ee COVID-19, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay qirayaan dadaallada baaxadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray dadaallada waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada.

“Iyadoo la bogaadinayo adkeysiga haweenka, haddana waa in aan xasuusnaano in Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dunida, uu cudurku si xad-dhaaf ah u saameeyo haweenka iyo gabdhaha, maadaama ay wajahayaan hubanti la’aan dhaqaale oo sii kordheysa, rabshado, iyo amni-darro. Wax badan ayaa loo baahanyahay in laga qabto dhanka ka-hortaga iyo sidoo kale in la hubiyo inay jiraan adeegyo ku filan oo loo heli karo dhibbanayaasha iyo kuwa kasoo badbaada, ”ayuu yiri Md. Swan.

Ka-hor doorashooyinka kusoo fool leh Soomaaliya, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku boorinaysaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan ballanqaadkii la sameeyay ee ahaa hirgelinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyay marka la dooranayo wakiilada Aqalka Sare iyo Baarlamaanka 11aad.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga xusayay adduunka oo dhan lagasoo billaabo 1975kii, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenku gaareen. Maalintan waxay kusoo beegantay baaqa waxqabad ee lagu dardar-gelinayo sinnaanta jinsiga.

Previous Post

Guddiga Qaran ee xakameynta laba-kacleynta Covid19 oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Difaaca Badda+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Difaaca Badda+Sawirro

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Difaaca Badda+Sawirro

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In