Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

QM oo Haweenka Soomaaliyeed ku bogaadisay kaalintooda ku aadan Nabadda iyo horumarka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 8, 2021
in Wararka
0
QM oo Haweenka Soomaaliyeed ku bogaadisay kaalintooda ku aadan Nabadda iyo horumarka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Awgeed, Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku bogaadinayaan haweenka Soomaaliyeed kaalintooda mugga leh ee ku aaddan nabadda iyo horumarka dalka, waxayna ku baaqayaan in madaxda Soomaaliyeed ay qaadaan tallaabo cad si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka-qaybgal buuxa oo haweenku ku yeeshaan dhammaan qaybaha nolosha

“Sanadihii la soo dhaafay oo dhan, haweenka Soomaaliyeed waxay door aan caadi ahayn ku lahaayeen dib-u-heshiisiinta, nabadaynta, iyo horumarka,” ayuu yiri Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan. “Wadahadalka aan la yeesho dadka Soomaalida, waxay intooda badan ii sheegaan in haweenku ay yihiin laf-dhabarta bulshada Soomaaliyeed. Waxaa la joogaa waqtigii arrintan la aqoonsan lahaa looguna bedeli lahaa wax-qabad iyo fursado la taaban karo oo haweenka Soomaaliyeed ay uga qaybqaadan karaan go’aan qaadashada siyaasadeed iyo inay sare u qaadaan awooddooda hoggaamineed.”

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Hal-kudhigga sanadkan ee Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa ah ‘Haweenka hoggaanka haya: Xaqiijinta mustaqbal loo siman yahay iyadoo dunida uu ka jiro cudurka COVID-19’. Iyadoo Soomaaliya ay la kulantay mowjad cusub ee cudurka saf-marka ah ee COVID-19, ayaa Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay qirayaan dadaallada baaxadda leh ee haweenka Soomaaliyeed ee ku biiray dadaallada waxqabadka qaran ee lagu ilaalinayo bed-qabka qoysaska iyo bulshada.

“Iyadoo la bogaadinayo adkeysiga haweenka, haddana waa in aan xasuusnaano in Soomaaliya iyo meelo kale oo ka mid ah dunida, uu cudurku si xad-dhaaf ah u saameeyo haweenka iyo gabdhaha, maadaama ay wajahayaan hubanti la’aan dhaqaale oo sii kordheysa, rabshado, iyo amni-darro. Wax badan ayaa loo baahanyahay in laga qabto dhanka ka-hortaga iyo sidoo kale in la hubiyo inay jiraan adeegyo ku filan oo loo heli karo dhibbanayaasha iyo kuwa kasoo badbaada, ”ayuu yiri Md. Swan.

Ka-hor doorashooyinka kusoo fool leh Soomaaliya, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay ku boorinaysaa dhamaan saamilayda Soomaaliyeed inay ixtiraamaan ballanqaadkii la sameeyay ee ahaa hirgelinta qoondada haweenka ee boqolkiiba 30 ee lagu heshiiyay marka la dooranayo wakiilada Aqalka Sare iyo Baarlamaanka 11aad.

Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka ayaa laga xusayay adduunka oo dhan lagasoo billaabo 1975kii, si loogu dabaaldego guulaha bulsho, dhaqaale, dhaqan iyo siyaasadeed ee haweenku gaareen. Maalintan waxay kusoo beegantay baaqa waxqabad ee lagu dardar-gelinayo sinnaanta jinsiga.

Previous Post

Guddiga Qaran ee xakameynta laba-kacleynta Covid19 oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho.

Next Post

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Difaaca Badda+Sawirro

Next Post
R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Difaaca Badda+Sawirro

R/wasaare ku-xigeenka dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan Difaaca Badda+Sawirro

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In