Tuesday, September 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxda Waddamada America, Australia, India iyo Japan oo ka wada hadlay caqabadaha ka taagan Shiinaha & dalal kale

caqiil by caqiil
March 13, 2021
in Wararka
0
Madaxda Waddamada America, Australia, India iyo Japan oo ka wada hadlay caqabadaha ka taagan Shiinaha & dalal kale
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

La Taliyaha Amniga Mareykanka Jake Sullivan ayaa sheegay in shirkii uu Madaxweyne Joe Biden la yeeshay madaxda dowladaha Australia, India iyo Japan jimcihii, looga hadlay caqabadaha ka imanaya Shiinaha iyo arrimo kale.

Jake Sullivan ayaa intaa ku daray in hogaamiyayaasha ay sidoo kale ka hadleen xorriyada socdaalka dadka  koonfurta iyo bariga Shiinaha, arrinta Nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi, iyo afgambigii rabshadaha watay ee ka dhacay Myanmar.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

September 8, 2025

Bayaan ay soo saareen afarta hogaamiye ayaa waxay ku baaqeen in dib u habeyn hufan lagu sameeyo Ururka Caafimaadka Adduunka, waxayna sidoo kale isku raaceen in la balaariyo dadaalada lagu soo saarayo talaalada Corona iyo in si cadaalad ah logu qeybi waddamada Caalamka.

Madaxweyne  Biden ayaa sheegay intii lagu gudajiray kulankan khadka tooska ah in Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta uu sare u qaaday heerka kobaca Mareykanka sanadkan, tanina ay horseed u noqon doonto xawaaraha kobaca dhaqaalaha adduunka.

Biden wuxuu carrabka ku adkeeyay in xorriyadda iyo furfurnaanta baddaha Hindiya iyo Baasifigga ay muhiim u yihiin mustaqbalka afartan dal, isaga oo intaas ku daray in wada jirka dalalkan ay muhiim u tahay xal u helida qalalaasaha ka jira qeybo ka mid ah Caalamka.

Mareykanka ayaa  qorsheeynaya dhawaan in Xoghayaha Arrimaha Dibadda iyo Difaaca ee Mareykanka uu u safro Japan iyo Kuuriyada Koonfureed usbuuca soo socda, taas oo si cad u muujineysa ahmiyadda maamulka Biden ee la tacaalidda caqabadaha iyo saameynta Shiinaha ee Qaarada Aasiya.

Previous Post

Hay’adda Caafimaadka Adduunka  oo shaacisay noocyada ugu halista badan xanuunka Covid 19

Next Post

Dowladda Tanzania oo beenisay in Madaxweyne John Magufuli uu ku dhacay xanuunka Corona

Next Post
Dowladda Tanzania oo beenisay in Madaxweyne John Magufuli uu ku dhacay xanuunka Corona

Dowladda Tanzania oo beenisay in Madaxweyne John Magufuli uu ku dhacay xanuunka Corona

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay shirka 2-aad ee Cimilada Afrika

September 8, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey Shirweynaha 2-aad ee Cimilada Afrika oo lagu qabtay...

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

Wasiirka Qoyska oo kulan la yeelatay Wakiilka gaarka ah ee UNICEF

September 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Amb. Khadija Mohamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xarunta Wasaaradda ku qaabishay...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Algeria

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan la qaatay dhiggiisa Algeria

September 8, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Axmed Aadan Geesood ayaa maanta kulan mira-dhal ah la yeeshay...

Dhamaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka oo laga wada hadlay

Dhamaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka oo laga wada hadlay

September 8, 2025
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka, Mudane Xildhibaan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In