Tuesday, August 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay waxgaradka 5 degmo “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay waxgaradka 5 degmo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Barnaamijka la tashiga dadweynaha oo uu maskaxdiisa lahaa kala qeyb galay waxgaradka Degmooyinka Wadajir, Dharkeynley, Kaxda, Dayniile iyo Hodon, kaasoo lagu qabtay Xarunta Degmada Wadajir.

Waxgaradka shanta degmo oo qiray in Barnaamijka la tashiga dadweynahu uu yahay fursad dahabi ah oo soo martay shacabka caasiamdda, ayaa waxay hogaanka Maamulka Gobolka Banaadir ku amaaneen waxyaabaha la taaban karo oo uu ka qabtay shanta degmo.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026

Waxgaradku waxay soo gudbiyeen baahiyahooda,  iyagoo diiradda saaray dhismaha waddooyinka burbursan ee ku yaala degmooyinkooda sida Waxbarashada, Caafimaadka, Horumarinta dhallinyarada, Haweenka, Nadaafadda, Amniga, siyaasadda iyo maareynta Biyaha.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka garaabay talo soo jeedinta waxgaradka shanta degmo ayaa ka jawaabayey dhamaan su’aalahii ka yimid waxgaradka, waxa uuna balan qaaday inuu intii tabartiisa ah wax ka qabanayo baahiyaha ay soo gudbiyeen bulshada.

Kulankan la tashiga dadweynaha oo ka dhacay degmada Wadajir oo ahaa kii 7-aad oo lagu qabto Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa looga gol leeyahay in si hoose la isu xog wareysto si wax looga qabto baahiyaha shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

Previous Post

Somali Gov’t’s commitment to hold election, compromises made during consultative talks

Next Post

Somalia ratifies seven ILO Conventions

Next Post
Soomaaliya oo gudbisay heshiisyo taariikhi ah oo ku aaddan dhowrista xaquuqda Shaqaalaha “SAWIRRO”

Somalia ratifies seven ILO Conventions

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

Madaxweynaha JFS oo lagu soo dhaweeyay magaalada Bandiiradleey ee Gobolka Mudug

August 17, 2026
0

Bandiiradleey, Agoosto 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa ku qaabilay ardaygii kaalinta koowaad ka galay Imtixaanka Qaranka iyo waalidiintiisa

August 17, 2026
0

Muqdisho, Isniin, 17 Agoosto 2026: - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku...

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi oo shaqo siisay Hooyo Safiyo Macalin Cabdulle Cumar

August 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi, ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Hooyo Safiyo Macalin...

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

Madaxweynaha JFS oo gaaray magaalada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud

August 17, 2026
0

Galinsoor, Agoosto, 17, 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku guda jira safarkiisa deegaanada Galmudug ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In