10 kamid ah maleeshiyaadka argagaxisada Alshabaab ayaa la dilay ka dib markiiย Ciidamada dowladda iyo kuwa Darawiishta Jubbaland howlgallo wadajir ah ka sameeyeen degaano ka tirsan gobalka Jubbada Hoose, sida ay saraakiishu sheegeen.
Guddoomiyaha degaanka Buulo-Gaduud ย Mahad Mataan Buulle oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen Ciidamada lagu dilay ilaa 10 isugu jira horjoogiyaal iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.
Saraakiisha howlagalka hoggaamineysay ayaa sheegay in ay si gaar ah howlgalka uga fuliyeen degaannada, Koban, Araare, Lafaha-Ragga iyo XeroโShiid kuwaas oo dhamaantood u dhaw degaanka BuulaโGaduud ee gobalka Jubbada Hoose.
Guddoomiyaha waxaa uu sidoo kale, sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa mid amniga lagu xaqiijinayay, isla markaana la doonayay in maleeshiyada Al-Shabaab looga saaro degaannada howlgalka laga fuliyay.