Wednesday, October 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweynaha Masar oo digniin u jeediyay dalka Itoobiya

Ali Abdirahman by Ali Abdirahman
6 years ago
in Wararka
0
Madaxweynaha Masar oo digniin u jeediyay dalka Itoobiya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha dalka Masar Abdel Fattah el-Sisi ayaa sheegay in khiyaar kasta uu u furan yahay ka dib markii ay fashilmeen wada hadaladii u dhexeeyay ka socday dalka Congo oo ku saabsanaa khilaafka ka dhashay biyo xireenka webiga Nile ee Itoobiya dhistay.

“Waxaan walaalaha Itoobiya u sheegayaa in aysan na gaarsiin in hoos u dhacaan xaddiga biyaha webiga ee Masar heli jirtay haddii kale waxaa noo furan khiyaar walba,” ayuu yiri madaxweyne el-Sisi.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wufuud ka kala socota dalalka Masar, Itoobiya iyo Suudaan ayaa shir ku yeeshay  caasimadda dalka Congo ee Kinshasa, iyadoo dhex dhexaadiyeyaasha Midowga Afrika ku guuldareysteen in ay is faham dhex dhigaan  dhinacyada is ku haya biyo xireenka webiga Nile.

Dhinaca kale, wasiirka waraabka dalka Suudaan ayaa soo saaray digniin Arbaca, isagoo sheegay in dalkiisa uu ka taagan yahay mowqif adag saamiga biyaha webiga Nile, waxaana uu xusay in loo baahan yahay dhinacyo kale soo farageliyo arrintan.

Yasser Cabaas, ayaa sheegay in Suudaan ay heysato khiyaaraad ay kamid yihiin in qadiyadda la geeyo golaha ammaanka Qaramada Midoobay haddii Itoobiya dib u bilowdo buuxinta biyo xireenka.

Itoobiya ayaa bilwoday dhismaha biyo xireenka weyn 2011 waxaana uu ahaa xudunka khilaafka dalalkan tan iyo waagaas.

Wasiirka biyaha  Itoobiya Seleshi Bekele ayaa warfidiyeenka u sheegay Arbacadii shalay in Itoobiya sii wadayso buuxinta biyo xireenka xilli roobaadka soo aadan.

 

Previous Post

Somalia ratifies seven ILO Conventions

Next Post

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Next Post
Horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Horjoogayaal iyo maleeshiyaad katirsan Al-shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In