Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wasaaradda Beeraha oo abuur daaweysan ku wareejisay maamulka Degmada Awdheegle “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Wasaaradda Beeraha oo abuur daaweysan ku wareejisay maamulka Degmada Awdheegle “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Abuurkan oo ka kooban Galey cad iyo digir gaduud daaweysan tayo dhameystirana leh ayey Wasaaradda Beeraha Soomaaliya oo kaashaneysa shirkadda Siisad ( CSET ) iyo  mashruuca GEEL waxey ku wareejisay maamulka degmada Awdheegle ee Gobolka Shabeelaha Hoose si ay uga faa’iideystaan beeraleyda deegaanka oo uu saameyn weyn ku yeeshay fatahaadda webiga Shabeelle.

Maamulaha shirkadda abuurka ee CSET Dr Khaalid Cumar Cali ayaa sheegay in Beeraleyda ay faa’iido badan u leedahay abuurkan.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Guddoomiyaha degmada Awdheegle Cabdullaahi Cismaan Abuukar iyo Wasiir ku-xigeenka Beeraha Koonfur Galbeed Xasan Sayid Cali Cabdow ayaa si wadajir ah uga mahadceliyay abuurka lagu wareejiyay oo ay sheegeen in ay ka faa’iideysan doonaan Beeraleyda reer Awdheegle oo uu sameyn weyn ku yeeshay fatahaadda webiga Shabeelle.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa si qoto dheer  uga  hadlay Ahmiyadda abuurka uu u leeyahay beeraleyda Soomaaliyeed ee wajahaya xaalado adag oo isugu jira fatahaado, dhibaatada Ayaxa iyo saameynta safmarka COVID 19, isagoo dhanka kale tilmaamay inay xoogga saari doonaan sidii beeraleyda ay u heli lahaayeen abuur tayo leh.

Previous Post

Qaar ka mid ah Wasiirada Koonfur Galbeed oo booqday dadkii ku dhaawacmay Qaraxii ka dhacay Baydhabo “SAWIRRO”

Next Post

Qoysas barakacayaal ku nool Balcad oo codsaday in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro “SAWIRRO”

Next Post
Qoysas barakacayaal ku nool Balcad oo codsaday in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro “SAWIRRO”

Qoysas barakacayaal ku nool Balcad oo codsaday in kaalmo deg deg ah lala soo gaaro “SAWIRRO”

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In