Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Donald Yamamoto, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Bayaan kasoo baxay safaaradda ayaa lagu yiri: “ Aniga oo ku hadlaya magaca Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya, waxaan hambalyo diirran oo ku saabsan munaasabadda bisha Ramadaan u diraya dhamaan shacabka soomaaliyeed”.
Bayaanka ayaa intaas ku daray in dhammaan shaqaalaha Safaaraddu u rajeynayaan shacabka Soomaaliyeed Soon wanaasgan iyo caafimaada badan.