Monday, June 9, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Boqolaal Muslimiin ah oo lagu xiray Bangladesh

caqiil by caqiil
April 19, 2021
in Wararka
0
Boqolaal Muslimiin ah oo lagu xiray Bangladesh
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Booliska Bangladesh ayaa xiray boqolaal Islaamiyiin ah usbuucii la soo dhaafay, ka dib markii lagu eedeeyay in ay horkacayeen banaanbaxyo dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi, dalkaas booqasho ku tagay dhamaadkii bishii Maarso ee la soo dhaafay.

Banaanbaxyadan ayaa waxaa hogaaminayay inta badan dad ka mid ah kooxda “Ilaaliyaasha Islaamka”, kuwaa  oo Modi, ku eedeeyay inuu hurinayo rabshado diimeed ka dhan ah Muslimiinta ku dhaqan India, Booliska ayaa ku dhawaaqay qabashada hogaamiyaha dhaqdhaqaaqa Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq,  Axadii la soo dhaafay, ka dib markii ciidamada ay weerareen goob uu ka socday shir islaami ah oo ka dhacay caasimada dalkaasi ee Dhaka.

Related posts

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025

Wakaaladda wararka France Presse, soo xigatay afhayeenka u hadlay Booliska Bangladesh, ayaa yiri “Toddobaadkan, waxaan gacanta lagu soo dhigay hoggaamiyihii toddobaad ee dhaqdhaqaaqa, Ilaaliyaasha Islaamka, Meynuun Al-Xaq, isagoo ku eedeeyay abaabulka dibad baxyo rabshad watay oo ay geysteen Xarakadan.

Booliska ayaa sheegay in 298  xubnood iyo qaar ka mid ah taageerayaasha dhaqdhaqaaqan laga soo qabtay bariga wadanka.

Waxaa la filayaa in dacwad lagu soo oogi doono maxaabiistan loo xirxiray rabshadahii dhacay intii lagu jiray mudaharaadyadii looga soo horjeeday booqashadii Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi iyo banaanbaxyadii dhacay sanadkii 2013,  oo ay ku dhinteen dad gaaraya 50 qof.

Dhinaca kale, afhayeen u hadlay  ilaalada Islaamka, oo lagu magacaabo Zakariye Nucmaan Al-Faydi, ayaa sheegay in Booliisk Bangaladheesh, ay xireen 23 hogaamiye, isaga oo intaa ku daray in eedeymaha lagu soo oogay ay yahiin been abuur.

Waxaa xusid mudan in dhaqdhaqaaqa “Ilaalada Islaamka” ay abaabuleen mudaaharaad sanadkii 2013, iyaga oo dalbanaayay in la soo saaro sharci ka dhan ah cayda diinta Islaamka, kaas oo ay ku dhinteen tobanaan qof.

 

Previous Post

Roobab xoogan oo ka da’ay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool “Sawirro”.

Next Post

Carruur ku dhaawacantay Hoobiyaal ay soo rideen Argagixisada Al-shabaab oo Muqdisho lagu daweeynayo.

Next Post
Carruur ku dhaawacantay Hoobiyaal ay soo rideen Argagixisada Al-shabaab oo Muqdisho lagu daweeynayo.

Carruur ku dhaawacantay Hoobiyaal ay soo rideen Argagixisada Al-shabaab oo Muqdisho lagu daweeynayo.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Daah-furay Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada Dhexe

June 9, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay...

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

Soomaaliya oo Kaalinta Afaraad ka Gashay Dowladaha Sida Wanaagsan ugu Adeegay Xujeyda

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Roobow Cali, ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay kaalinta...

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka oo magaaalada Makka kula kulmey Madaxa Arrimaha Diinta dalka Turkiga

June 9, 2025
0

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Mukhtaar Roobow Cali ayaa magaaalada Makka kula kulmey Madaxa...

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

Safiirka Soomaaliya ee Shiinaha oo kulan dhiirrigelin iyo is-xogwareysi ah la qaatay 20-Diblumaasiyiin da’yar Soomaaliyeed

June 9, 2025
0

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha waxay si sharaf leh u martigelisay 20 diblumaasi oo da’yar ah oo dhameystay barnaamij...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In