Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii 11-aad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho ayaa waxaa caawa kulankiisa 11aad ee wareegga koowaad ku tartamay Degmooyinka Wadajir Vs Boosaaso oo ka kala tirsan Gobollada Benaadir iyo Bari, waxaana barnaamijka sanadkan taabagelinaya Bangiga IBS.
Tartameyaasha labada degmo ee Wadajir Vs Boosaaso muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanku socday.
Wadajir
Tartameyaasha Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal, waxa ay ka faa’iideysteen Labo su’aal oo soo hareermartay tartamayaasha Boosaaso, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Wadajir ay heleen waxay noqotay Labo iyo toban (12) dhibcood.
Boosaaso
Tartamayaasha Degmada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, waxa ay iska qaldeen Saddex su’aal, Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen Boosaaso, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boosaaso waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.
Hadaba kulankii 11aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.
Habeen dambe oo ah habeenka 12aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka waxaa ku tartami doona degmooyinka Deyniile iyo Gaalkacyo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Mudug.
Sawir Qaade: Khadar Cali Nuur