Saturday, March 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ciidamo ku xareysan dugsiga tababarka Harqaboobe oo loo furay tababar la xiriira Akhriska iyo Qoraalka ”SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Ciidamo ku xareysan dugsiga tababarka Harqaboobe oo loo furay tababar la xiriira Akhriska iyo Qoraalka ”SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waa cutubkii ugu horeeyay ee muddo 30-sano kadib ah lagu carbiyay Dugsiga Tababarka Ciidamada Har-qaboobe ee Guriceel oo ay dib u howlgalisey Dowladda Federaalka Soomaaliya, haatan ayay gaba-gabo u tahay duruusta ciidan, waxaase xirfadaha milatariyga iyo xeeladaha dagaal ee la baray loogu biiriyay aqoon guud oo lagu barayo aqriska iyo qoraalka ayna ka faa’ideysanayaan guud ahaanba dufcadan dhowaan qalin jabin doonta.

Related posts

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026

Taliyaha Qaybta 21-aad. ee Ciidanka  Dhulka  Xoogga Dalka Generaal. Maxamed Caddoow Cali Sanka oo ciidamadan u furey aqoon kororsigan ayaa ku amaaney dadaalkooda iyo warbixinta wanaagsan ee ay ka keeneen saraakiishooda isagoo kula dardaarmey in ay sii labo jibaaraan juhdiga ay bixinayaan si dhowaanba loogu dhameystiro qalabkooda.

Generaal Sanka Taliyaha Qaybta 21-aad oo dardaarankiisa sii watey ayaa dufcadaha cusub ee kusoo biiraya ciidanka Xoogga oo ay ka mid yihiin kuwa Har-qaboobe  ku booriyay in ay isku diyaariyaan badbaadinta wadanka, la dagaalanka kuwa diidan nabadgalyada iyo xoreynta Deegaannada yar ee ay dhuumaaleysiga ku joogaan kooxaha Argagaxisada.

Dugsiga Har-qaboobe oo ka mid ah Dugsiyada ay dib u howlgalisey Dowladda Federaalka Soomaaliya ayay dhawaan kasoo bixi doonaan Boqolaal Askari oo ay carbiyeen Saraakiil Soomaaliyeed kuwaasi oo qayb ka noqon doona howlgalada lagu xoreynayo guud ahaanba wadanka, waxaana kormeerkan Taliyaha Qaybta ku wehliyay Saraakiil Sare oo uu ka mid yahay Gaashaanle Sare Cabdulahi Maxamed Muuse (Kayse) xeer ilaaliyaha Maxkamada Ciidamada Qaybta 21-aad.

Previous Post

Wasaaradda Gargaarka XFS oo saxiixday heshiis ay Soomaaliya uga mid noqoneyso Wadamadda Afrika ee Awoodda u leh yareynta Khataraha.Masiibooyinka

Next Post

UNHCR oo sheegtay in aan la xireynin Dhadhaab iyo Kaakuma

Next Post
UNHCR oo sheegtay in aan la xireynin Dhadhaab iyo Kaakuma

UNHCR oo sheegtay in aan la xireynin Dhadhaab iyo Kaakuma

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Buula-burte oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 14, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Qaadaysa Tallaabo Muhiim ah oo ay Kaga Mid Noqonayso Silsiladaha Caalamiga ah ee Macdanta Muhiimka ah

March 13, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyada oo loo marayo Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta, ayaa saxiixday Heshiis Is-afgarad (MoU) oo ku saabsan...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo khadka telefonka kula hadlay dhiggiisa Dalka Qatar

March 13, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ku-xigeenka Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka...

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

Wasiirka Xuquuqul Insaanka XFS oo Geneva ku guddoomisay kulan looga hadlayay Horumarinta Xuquuqda Aadanaha

March 13, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In