Madaxweynaha Pakistaan Caarif Calawi ayaa ku tilmaamay waxa socda Falastiin xadgudub iyo arxan darro ay sameyneyso Israa’iil.
Madaxweynaha Pakistaan ayaa sheegay in israa’iil fasuuq ku heyso shacab doonaya inay ku noolaadaan dhulkooda.
“Waxa ka socda Falastiin ma ahan dagaal u dhaxeeya laba dhinac oo iska soo horjeeda ee waa xadgudub ka socda hal dhinac, ayuu yiri madaweyane Caarif Calawi”.
Madaxweynaha ayaa intaas ku daray in dhulka Falastiin la xoreyn doono.
Tan iyo Isniintii hore , waxay Israa’iil duqeyn ku dishay 181 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 52 carruur iyo 31 haween ah.