Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga, ayaa ku dhawaaqday in la diiwaangeliyay dadka sannadkan 1442, ka qeyb gali doona Acmaasha xajka.
Xujaay gareeysa 60,000 oo isugu jira muwaadiniin iyo dadka deggan gudaha Sacuudi Carabiya oo keliya ayaa sanadkan ka qeyb galidoona sida ay shaacisay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada Sacuudiga.
Si looga hortago cudurka faafa ee Corona, loona xoojiyo Xaaladda caafimaad ee dadka doonaya in ay gutaan waajibaadka Xajka waa inay noqdaan kuwa soo maray hanaanka baaritaan ee cuduraka daba dheeraada ee Corona, ayaa lagu yiri Bayaan shalay ka soo baxay Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga.
Sidokale dadka ka qeyb qaadana Xajka ayaa loo shardiyay in da’dooda ay u dhaxeeyso 18 sano illaa 65 sano jir, kuwaa oo dhamantood qaatay Tallaalka Covid 19, iyadoo la raacayo hanaanka caafimaad ee ay Boqortooyada Sacuudigu dajisay.
Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa caddeysay in dowladda Sacuudiga ay had iyo jeer ahmiyad weyn siineyso caafimaadka iyo amniga xujeyda, taa oo ย ah mudnaanta koowaad ee ka qeyb galka Xajka.
Waxay sheegtay Wasaaraddu in Tobankii sane ee la soo dhaafay 150 milyan oo Ruux ay si nabad ah ku guteen waajibaadka Xajka.