Qiimaha badeecadaha kala duwan ayaa sare kac xooggan ku yimid ka dib markii uu fataahado sameeyey webiga Shabeelle, dadweynaha ku nool caasimadda maamul goboleedka hir-shabeelle oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in fatahaada webigu khasaare gaarsiisay dalagyadda kala duwan ee beeraha.
Guddoomiyaha ganacsatadda shabeeladda dhexe Cumar Xuseen Maxamed ayaa sheegay in fadahaada webigu saamayn ku yeelatay badeecadihii soo geli jiray gobolka, maadama biyihii xireen wadooyinka muhiimka ah ee soo gala magaaladda.
Xukuumadda Federalka ayaa deeq gurmad raashin ah hore u gaarsiisay dadka ay sameeyeen fatahaadaha webiga Shabeelle.