Sunday, February 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo kulan layeeshay Guddiga xalinta qilaafaadka arrimaha Gedo “SAWIRRO”

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland oo kulan layeeshay Guddiga xalinta qilaafaadka arrimaha Gedo “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Jubbaland ku qaabilay Guddiga xalinta qilafaadka arrimaha Gobolka Gedo.

Guddigan oo isugu jira Wasiiro ka kala tirsan Dowladd Goboleedyada Dalka sida Puntland Galmudug Hirshabeele iyo Koonfur galbeed ayaa Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland waxa ay oga warbixiyeen xaalada Gobolka Gedo gaar ahaan Degmada Garbahaarey ee Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay ku sugnaayeen afartii cisho ee ugu dambeeysay halkaas oo ka wadeen xal u raadinta iyo dib u hishiisiin laga hirgaliyey Gobolka.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa oga mahadceliyey Guddiga oo u dhabar adeegay shaqooyin adag oo ay maalmihii ugu dambeeyey ka hayeen magaalada Garbahaarey ee Dowlad Goboleedka Jubbaland, wuxuuna sheegay in Jubbaland ay ka go’antahay sidii dib u hishiisiin sax ah looga sameen lahaa Gobolka Gedo iyo guud ahaan deegaanada Jubbaland oo bilowgii hirgalinta hanaanka dhisida Jubbaland lagu dhisay dib u hishiisiin.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddiga xalinta qilaafadka ayaa la kulmay mas’uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedka Jubbaland kuwaas oo kasoo jeeda Gobolka Gedo.

Guddigan ayaa inta ay ku suganyihiin Magaalada Kismaayo waxa ay la kulmi doonaan isimada iyo qaybaha kale duwan ee bulshada kasoo jeedo Gobolka Gedo si ay u dhageeystaan fikiradooda iyo qaabka ugu haboon ee loo dhameeystiri karo arrinta dib u hishiisiinta Gedo.

Previous Post

Kulan looga hadlaayey xoojinta xiriirka Garsoorka iyo Booliska oo Muqdisho lagu qabtay “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan doorashada Aqalka Sare oo lakulmay Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed

Next Post
Guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan doorashada Aqalka Sare oo lakulmay Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed

Guddiga Baarlamaanka Jubbaland u qaabilsan doorashada Aqalka Sare oo lakulmay Guddiga doorashooyinka heer Dowlad Goboleed

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH “AFRIKA WAA INAY HESHAA KURSI JOOGTO AH OO GOLAHA AMMAANKA AH”

February 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay shir heer sare ah oo ku saabsanaa mustaqbalka...

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

Markabkii qodi lahaa shidaalka dalkeenna oo ka soo shiraacday dalka Turkiga

February 15, 2026
0

Dalka Turkiga waxaa goordhow laga soo sagootiyey Markabka Cağri Bey oo ku soo wajahan Soomaaliya, kaas oo howlgal shidaal qodis...

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

Midowga Afrika oo markale ka horyimid xadgudubka Israel ee dalkeenna

February 15, 2026
0

Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xadgudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya. War-murtiyeedka Midowga Afrika...

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida oo xukuno kala duwan ku riday eedeysanayaal

February 15, 2026
0

Maxkamadda sare ee Ciidamadda Qalabka sida ayaa xukuno kasoo saartay kiiska Maxamed Aadan Abuukar oo Xeydar Muqtaar Afgarashadiisu tahay iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In