Ganacsadaha caanka ah, horayna usoo noqday Ra’iisul Wasaare Najiib Miiqaati ayaa maanta helay kalsoonida baarlmaanka dalka Lebanon si uu soo dhiso xukuumad cusub.
Arrintaan ayaa timid kadib markii Ra’iisal Wasaare Sacad Al-xariiri iyo madaxweynaha dalkaas khilaaf so kala dhaxgalay taas oo keentay in Ra’iisal Wasaare Sacad ka cudur daarto inuu soo dhiso xukuumad
Najiib Miiqaati ayaa helay kasoonida baarlmaanka kadib markuu helay 73 cod.
Miqaati ayaa hore uga soo noqday dalka Lebanon Ra’iisal Wasaare laba jeer oo kala ahaa 2005 iyo 2011.
Dowladaha reer galbeedka ayaa ku cadaadinaaya siyaasiyiinta Lebanon inay soo dhisaan xukuumad karti u leh inay dalka ka saarto dhibaatada dhaqaale ee ka jirata, kana hor tegi karta maamul xumada iyo masuqmaasuqa.