Thursday, November 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayay Siyaasadda Qaran ee Xirfadaha Shaqada oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayay Siyaasadda Qaran ee Xirfadaha Shaqada oo lagu soo gabo gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Hiddaha iyo Tacliinta Sare ahna Kusimaha Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha Iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Ismaaciil Yuusuf Cusmaan ayaa soo xiray shir laba maalin socday oo u dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarshadda Waxbarashada Soomaaliya oo kaashaneysa Wasaaradda Shaqada, Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaraddaha Shaqada iyo Waxbarshadda Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaasi oo lagu falanqeynayay siyaasadda Qaran ee Xirfadaha Shaqada iyo farsamada gacanta.

Shirkaan ayaa waxaa si wada jir ah usoo agaasimay Waaxda Waxbarshadda dadban iyo Farsamada gacanta ee Wasaaradda Waxbarshada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Soomaaliya, iyo Waaxda Xirfadaha iyo Farsamada gacanta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshadda Soomaaliya, waxaana uu ku soo dhamaaday is afgarad buuxa, iyadda oo lagu balamay in lasii joogteeyo kulamada Nuucaan ah si loo turxaan bixiyo hadba caqabadaha ka yimaada hirgelinta siyaasada Qaran ee Xirfadaha Shaqada iyo Farsamada gacanta.

Related posts

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025

Waxaa kulanka hadala kasoo jeediyay agaasimaha Waxbarshada Dadban iyo Farsamada Gacanta Wasaaradda Waxbarshadda, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdicasiis Nuur Maxamed iyo Agaasimaha xirfadaha iyo Farsamada gacanta Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Mudane Maxamed Xasan Haanbe, waxayna si wadajir ah shirka uga sheegeen in ay siyaasadda Qaran ee Xirfadaha iyo Farsamada gacanta hadii la hergeliyo ay fursado shaqo u abuuri doonto jiilasha soo koraya, waxayna rajo ka muujiyeen in dhawaan dalka laga hirgeliyo iskuulo farsamada gacanta iyo Xirfadaha ah.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo aaladda fogaan arragga kula shiray sargaal ka tirsan QM

Next Post

Shir weynaha Urur goboleedka IGAD ee siyaasadda arrimaha Dhulka iyo Haweenka oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Next Post
Shir weynaha Urur goboleedka IGAD ee siyaasadda arrimaha Dhulka iyo Haweenka oo lagu qabtay Nairobi “SAWIRRO”

Shir weynaha Urur goboleedka IGAD ee siyaasadda arrimaha Dhulka iyo Haweenka oo lagu qabtay Nairobi "SAWIRRO"

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan ilaalinta rayidka oo la kulmay Madaxa AUSSOM.

November 6, 2025
0

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan xasilinta iyo ilaalinta arrimaha rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa maanta...

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

Danjire Maxamed Cabdullaahi oo waraaqaha aqoonsiga Safiirnimo u gudbiyay Madaxweynaha dalka Ukraine

November 5, 2025
0

Madaxweynaha dalka Ukraine, Mudane Volodymyr Zelenskyy, ayaa ka guddoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ukraine,...

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka oo daahfuray narnaamijka Ilaalinta iyo daryeelka bulshada.

November 5, 2025
0

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa daahfuray Barnaamijka Ilaalinta iyo Daryeelka Bulshada, oo ay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In