Monday, December 1, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Dib u eegista Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Dhuusamareeb

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Shirka Dib u eegista Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ka furmay Dhuusamareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Daah furka shirka Dib u eegista Siyaasada Qaran ee Dhallinyarada Soomaaliyeed oo ay kasoo qayb galeen  qaar ka mid ah dhalinyarada reer Galmudug ayaa Magaalada Dhuusamareeb mudo labo maalmood ah uga socon doona, ka qayb galayaal isugu jira Rag iyo Dumar ayaa si gaar gaar ah usoo gudbin doona aragtiyadooda wax galka ah ee muhiimka u ah ku biirinta dib u eegista siyaasada qaran ee dhalinyaradda Soomaaliyeed oo ay wadajir  ah u soo agaasimeen Wasaaraddaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Federaalka iyo Galmudug.

Calas Cabdinuur Barre, Gudoomiyaha dhalinyarada Caasimadda iyo Maxamed Nuur Maxamed, Gudoomiyaha Ururka Cayaaraha Dhuusamareeb ayaa ugu horeyn ka hadlay kasoo qaybgalkooda shirkan, waxayna isku raceen in ay muhiim tahay in dhalinta Soomaaliyeed ay wax ku soo kordhiyaan hormarka dalkooda.

Related posts

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025

Cabdullahi Cabbdi Maxamed Xiirey Agaasimaha waaxda dhallinyarada ee Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha Dowlada Federalka iyo CabdiCsiis Maxamed Khaliif la taliya arrimaha siyaasada qaran ee dhalinyaradda ayaa iyana dhankooda xusay in ay muhiim tahay qaadashada waxa kasoo baxa shirarkan.

Ugu dambeyn Cumar Cabdi Maxamed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha Galmudug ayaa kula dardaarmey dhalinyarada ka qayb galeysa shirkan in ay la yimaadaan wax ku biirin baaxad leh, si la mid ah shansano kahor doorkii Galmudug ay ku yeelatay siyaasada qaran ee Dalka.

Previous Post

Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed oo la kulmay Saraakiisha Amniga goobaha doorashooyinka

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo tilmaamay in shirka Londan uu ku soo gabo gaboobay guulo la taaban karo

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo casuumay Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka

Ra’iisul Wasaare Rooble oo tilmaamay in shirka Londan uu ku soo gabo gaboobay guulo la taaban karo

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

Shirka arrimaha isbadalka cimilada iyo nidaamka maalgelinta oo Muqdisho lagu soo xiray

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay shir 5 maalmood socday oo looga hadlayay arrimaha isbeddelka cimilada iyo nidaamka helida...

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

Maxkamadda Racfaanka Galgaduud Oo Xukuntay Rag Ku Eedaysan Dil Hore

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO(GALGADUUD):-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Galgaduud ayaa xukun dil toogasho ah ku riday Cabdi Cusmaan Cabdullaahi iyo Gallad Axmed Xuseen, sidoo...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Khudbad Ka Jeediyay Madasha MEDays

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo khudbad ka jeediyay kulanka xiritaanka ee Madasha Caalamiga...

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

Wasiirka Kalluumeysiga XFS Oo Daahfuray Nidaamka Maareynta Macluumaadka Kalluumaysiga(FIMS)

November 30, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Wasiirka Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa si rasmi ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In