Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Socdaalka oo Gobolada dalka ka bilowday tababar ku saabsan hannaanka siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Socdaalka oo Gobolada dalka ka bilowday tababar ku saabsan hannaanka siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Hay’adda Socdaalka Mudane Siciid Axmed Xuseen, ayaa sheegay in tababarkan oo ay la kaashadeen Hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM , la qorsheeyay in loo qabto dhamaan Shaqaalaha iyo madaxda laamaha ay Hay’addu ku kala leedahay Gobollada Dalka , isla markaana uu yahay tababar muhiimad weyn u leh horumarinta nidaamka shaqaalaha hay’adda, kuna saabsan siyaaasadda shaqada ee hay’adda u degsan.

Agaasime Siciid, Mar uu ka hadlayay waxyaabaha sida gaarka ah loogu tababarayey shaqaalaha waxa uu sheegay, in Waaxda Shaqaaluhu ay ku tababareysay shaqaalaha iyo Madaxda laamaha ee Gobollada dalka, qodobada kala ah, Nidaamka fasaxyada, Habka Qiimeynta Shaqaalaha iyo Ilaalinta anshaxa , si loo dardargeliyo hannaanka lagu horumarinayo howlaha hortabinta u leh Hey’adda.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Siciid Axmed Xuseen ayaa ugu dambeyn xusay in Tababarkan uu waxbadan ka tari doono horumarinta yoolka ay higsaneyso Waaxda shaqaalahu, maadaama uu xog-wareysi la yeeeshay dhamaan shaqaalaha ka hawlgala laamaha Gobolada dalka, si ay u ogaadaan fahamka guud ee ay ka qabaan hannaanka siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) u degsan.

Tababarkan oo 11-July, 2021, ka soo bilowday magaalada Dhuusamareeb , laguna soo kala qabtay magaalooyinka Garoowe, Kismaayo iyo Jowhar ayaa la filayaa in 10-ka August, 2021-ka lagu soo gebagabeeyo magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Previous Post

Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgalka dhallinyarada oo lagu soo gabo gabeeyay Suudaan “SAWIRRO”

Next Post

Xuska Aas aaska Puntland oo ka socoto Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Xuska Aas aaska Puntland oo ka socoto Garoowe “SAWIRRO”

Xuska Aas aaska Puntland oo ka socoto Garoowe "SAWIRRO"

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In