Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Hey’adda Socdaalka oo Gobolada dalka ka bilowday tababar ku saabsan hannaanka siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Hey’adda Socdaalka oo Gobolada dalka ka bilowday tababar ku saabsan hannaanka siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Hay’adda Socdaalka Mudane Siciid Axmed Xuseen, ayaa sheegay in tababarkan oo ay la kaashadeen Hey’adda Socdaalka Adduunka ee IOM , la qorsheeyay in loo qabto dhamaan Shaqaalaha iyo madaxda laamaha ay Hay’addu ku kala leedahay Gobollada Dalka , isla markaana uu yahay tababar muhiimad weyn u leh horumarinta nidaamka shaqaalaha hay’adda, kuna saabsan siyaaasadda shaqada ee hay’adda u degsan.

Agaasime Siciid, Mar uu ka hadlayay waxyaabaha sida gaarka ah loogu tababarayey shaqaalaha waxa uu sheegay, in Waaxda Shaqaaluhu ay ku tababareysay shaqaalaha iyo Madaxda laamaha ee Gobollada dalka, qodobada kala ah, Nidaamka fasaxyada, Habka Qiimeynta Shaqaalaha iyo Ilaalinta anshaxa , si loo dardargeliyo hannaanka lagu horumarinayo howlaha hortabinta u leh Hey’adda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Siciid Axmed Xuseen ayaa ugu dambeyn xusay in Tababarkan uu waxbadan ka tari doono horumarinta yoolka ay higsaneyso Waaxda shaqaalahu, maadaama uu xog-wareysi la yeeeshay dhamaan shaqaalaha ka hawlgala laamaha Gobolada dalka, si ay u ogaadaan fahamka guud ee ay ka qabaan hannaanka siyaasadda shaqada iyo shaqaalaha ee hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (HSJ) u degsan.

Tababarkan oo 11-July, 2021, ka soo bilowday magaalada Dhuusamareeb , laguna soo kala qabtay magaalooyinka Garoowe, Kismaayo iyo Jowhar ayaa la filayaa in 10-ka August, 2021-ka lagu soo gebagabeeyo magaalada Beydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Previous Post

Tartan Isboorti oo ku saabsan isdhexgalka dhallinyarada oo lagu soo gabo gabeeyay Suudaan “SAWIRRO”

Next Post

Xuska Aas aaska Puntland oo ka socoto Garoowe “SAWIRRO”

Next Post
Xuska Aas aaska Puntland oo ka socoto Garoowe “SAWIRRO”

Xuska Aas aaska Puntland oo ka socoto Garoowe "SAWIRRO"

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In