Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ayaa soo dhaweeyay hanaankii ay u dhacday doorashadii xubnaha Aqalka Sare ee Galmudug maanta ka qabsoontay.
Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Aadan Dagaal Safiina ayaa sheegay in la qabtay doorashada lix Kursi oo ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee deegaan doorashadoodu tahay Galmudug oo ay ku tartamayeen 12 musharax, kaasi oo ay soo baxeen 6 Senator kadib markii ay tanaasuleen lixda musharax ee kale.
Mudane Axmed Aadan Dagaal ayaa xusay in Barlamaanka Galmudug ay ku doorteen xubnaha soo baxay cod gacan tag ah, isla markaana ay doorashadu u dhacday sidii loogu talagalay, isagoo Baarlamaanka Galmudugu uga mahadceliyay sida ay u guteen waajibaadkii loo igmaday.
Afhayeenka Guddiyada doorashooyinka Axmed Safiina Gudiga oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa tilmaamay in Guddiga uu Madaxweynaha Galmudug ka codsanayo in uu soo dhameystiro labada kursi ee ka hartay guud ahaan Xildhibaannada Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug.