Sunday, October 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wareysi: Madaxweyne Ashraf Ghani oo isaga cararay Afghanistan iyo wararkii ugu dambeeyey

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Wareysi: Madaxweyne Ashraf Ghani oo isaga cararay Afghanistan iyo wararkii ugu dambeeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waraka aan helaayo Afghanistan waxay sheegayaan in madaxweyne Ashraf Ghani uu isaga cararay dalkiisa, kadib markii kooxda Taliban ay maanta gudaha u gashay caasimadda Kabul.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Afghanistaan Madaxweyne Ashraf Ghani iyo ku xigeenkiisa Amrullah Saleh isaga baxay dalka oo intiisa badan ay la wareegtay kooxdu.

Related posts

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025

Madaxweyne Ghani ayaa waayihii dambe la kulmaayay cadaadis ah inuu iska casilo xilka madaxtinimada, maadaama magaalooyinka waaweyn ee ku hareereysan caasimadda Afgaanistaan ay gacanta u galeen mintidiinta Taliban.

Sidoo kale kumanaan qof ayaa saacadihii u dambeeyey isaga cararay dalkaas kuwaas oo ka gudbay xaduudaha dalalka deriska la ah Afgaanistaan, waxayna dadkaas ka baxsanayaan kuxunka kooxda Taliban oo dagaalyahanadeedu ay hadda ku sii siqayaan caasimadda Kabul.

Laba sarkaal ayaa wakaaladda wararka AP u xaqiijiyey in madaxweyne Ghani uu dalka ka duulay. Sidoo kale Abudllah Abdullah oo ah madaxa Golaha Qaran ee Dib u Heshiisiinta Afghanistan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Ghani uu dalka ka baxay.

“Madaxweynihii hore ee Afghanistan waa uu ka tegay Afghanistan, wuxuuna dalka uga tegay xaalad adag,” ayuu yiri Abdullah Abdullahi. “Allah ayaa la xisaabtami doona.”

Wararka ayaa sheegaya inuu gaaray dalka deriska ah ee Tajikastan. Taliban ayaa maanta hareereysay magaalada caasimadda ah ee Kabul, waxayna dowladda ka dalbatay inay si nabad ah xukunka ugu soo wareejiso.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan “In si nabdoon loogu soo wareejiyo magaalada Kabul.” Waxa uu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda.

Si kastaba, Shaheen ayaa sheegay inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka. Macadda xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

Dr. Xuseen Yoonis Xasan oo ah sarkaal sare oo Soomaali ah, kana tirsan Qaramada Midoobey, ayaa u waramay Radio Muqdisho, isagoo ku sugan magaalada Kabul.

Hoos ka dhageyso wareysiga

https://www.facebook.com/watch/?extid=WA-UNK-UNK-UNK-IOS_GK0T-GK1C&v=1254705791625113

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay wakiilka hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya

Next Post

Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo D/Hiliwaa ugu qeyb-galay munaasabad xil-wareejin ah

Next Post
Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo D/Hiliwaa ugu qeyb-galay munaasabad xil-wareejin ah

Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo D/Hiliwaa ugu qeyb-galay munaasabad xil-wareejin ah

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

Hay’adda Socdaalka Iyo Jinsiyadda Oo Horumarin Ku Sameysay Hannaanka Soo-Saarista Baasaboor Soomaaliga

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda (ICA Somalia) ayaa sheegtay inay horumar weyn ka samaysay geedi socodka soo saarista baasaboorka Soomaaliga...

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

Guddoonka Labada Aqal Oo Sameeyay Magacaabista Guddi Muhiim Ah

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa magacaabay guddiga soo xulista Xildhibaanadda Soomaaliya ku meteli doona Baarlamaanka...

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Ra’iisul Wasaaraha XFS Oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay Agaasimeyaasha Guud ee Wasaaradaha Howlaha Guud,...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti oo taageeray heshiiska nabadda ee Gaza

October 11, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa soo dhoweeyay heshiiska nabadda ee Gaza, waxayna ammaaneen dadaallada gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In