Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Wareysi: Madaxweyne Ashraf Ghani oo isaga cararay Afghanistan iyo wararkii ugu dambeeyey

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Wareysi: Madaxweyne Ashraf Ghani oo isaga cararay Afghanistan iyo wararkii ugu dambeeyey
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waraka aan helaayo Afghanistan waxay sheegayaan in madaxweyne Ashraf Ghani uu isaga cararay dalkiisa, kadib markii kooxda Taliban ay maanta gudaha u gashay caasimadda Kabul.

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan dowladda Afghanistaan Madaxweyne Ashraf Ghani iyo ku xigeenkiisa Amrullah Saleh isaga baxay dalka oo intiisa badan ay la wareegtay kooxdu.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Madaxweyne Ghani ayaa waayihii dambe la kulmaayay cadaadis ah inuu iska casilo xilka madaxtinimada, maadaama magaalooyinka waaweyn ee ku hareereysan caasimadda Afgaanistaan ay gacanta u galeen mintidiinta Taliban.

Sidoo kale kumanaan qof ayaa saacadihii u dambeeyey isaga cararay dalkaas kuwaas oo ka gudbay xaduudaha dalalka deriska la ah Afgaanistaan, waxayna dadkaas ka baxsanayaan kuxunka kooxda Taliban oo dagaalyahanadeedu ay hadda ku sii siqayaan caasimadda Kabul.

Laba sarkaal ayaa wakaaladda wararka AP u xaqiijiyey in madaxweyne Ghani uu dalka ka duulay. Sidoo kale Abudllah Abdullah oo ah madaxa Golaha Qaran ee Dib u Heshiisiinta Afghanistan ayaa sidoo kale xaqiijiyey in Ghani uu dalka ka baxay.

“Madaxweynihii hore ee Afghanistan waa uu ka tegay Afghanistan, wuxuuna dalka uga tegay xaalad adag,” ayuu yiri Abdullah Abdullahi. “Allah ayaa la xisaabtami doona.”

Wararka ayaa sheegaya inuu gaaray dalka deriska ah ee Tajikastan. Taliban ayaa maanta hareereysay magaalada caasimadda ah ee Kabul, waxayna dowladda ka dalbatay inay si nabad ah xukunka ugu soo wareejiso.

Afhayeenka Taliban Suhail Shaheen ayaa u sheegay taleefishinka Al-Jazeera inay sugayaan “In si nabdoon loogu soo wareejiyo magaalada Kabul.” Waxa uu diiday inuu faah-faahin ka bixiyo wada-xaajoodyada ay kula jiraan dowladda.

Si kastaba, Shaheen ayaa sheegay inay doonayaan in si shuruud la’aan ah loogu wareejiyo xukunka dalka. Macadda xilliga ay wareejintaas dhici doonto.

Dr. Xuseen Yoonis Xasan oo ah sarkaal sare oo Soomaali ah, kana tirsan Qaramada Midoobey, ayaa u waramay Radio Muqdisho, isagoo ku sugan magaalada Kabul.

Hoos ka dhageyso wareysiga

https://www.facebook.com/watch/?extid=WA-UNK-UNK-UNK-IOS_GK0T-GK1C&v=1254705791625113

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay wakiilka hay’adda Qoxootiga Adduunka UNHCR ee Soomaaliya

Next Post

Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo D/Hiliwaa ugu qeyb-galay munaasabad xil-wareejin ah

Next Post
Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo D/Hiliwaa ugu qeyb-galay munaasabad xil-wareejin ah

Sawirro: Guddoomiye Cumar Filish oo D/Hiliwaa ugu qeyb-galay munaasabad xil-wareejin ah

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In