Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug oo laga fulliyey dawayn lacag la’aan ah “SAWIRRO

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug oo laga fulliyey dawayn lacag la’aan ah “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug ayaa laga fulliyey dawayn lacag la’aan ah oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 300 oo qof.

Hawshan caafimaad oo ururka dhalinyarada Horusocod ka fuliyey magaalada Xinlabi ee gobolka Mudug, waxaa ka faa’iideystay in ka badan 300 oo ruux oo ay u badan yihiin Haween iyo Carruur, waxaana dawada iyo baaritaankuba ay ahaayeen lacag la’aan.
Bukaanada la daweeyey ayaa ka mahadceliyey kaalmada dawada ah ee lala soo gaaray deegaankan oo aan lahayn Isbital shaqeeya.
Hindi Maxamed Calibarre oo ka mid ah bukaanada ka faa’iideystay mashruucan ayaa sheegtay in ay Xinlabi uusan ka jirin wax adeeg caafimaad ah, ayna u soo joogeen dhacdooyin badan oo xanuun leh.
“Waxaa igu dhacday inaan la cararay gabadhayda oo fool ah, oo kalaamiso ku dhacday, waxaan u qaadnay Baxdo, waxaana uga sii gudbiyey Cadaado, iyadoo mayd u eg ilmihiina ay ku dhex dhinteen” ayey tiri Hindi
Deegaanka Xinlabi waxa uu Cadaado u jiraa in ka badan 160-km, waxaana yar dadka awoodi kara inay gaari kiraystaan marka ay bukaanada qaadayaan.
Haaruun Xasan Cabdiraxaan oo ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada Horusocod oo dawayntan fuliyey ayaa sheegay sheegay inay ka damqadeen duruufaha caafimaad darro ee ka jira Xinlabi, sidaa darteedna ay isu xilqaameen inay ka jawaabaan intii awoodooda ah.
Sayid Cali Xuseen Gaabane oo isna xubin sare ka ah ururkan ayaa ugu baaqay qurbajoogta, hay’adaha samafalka iyo dawlad goboleedka Galmudug in wax laga qabto baahida caafimaad darro ee ka jirta deegaanka Xinlabi iyo deegaanada u dhaw dhaw oo aan lahayn wax Isbitaal ah.
Cudurada ugu badan ee ka jira Xinlabi waxaa ka mid ah Malaariyada, cudurada neefmareenka, nafaqadarrida Carruurta, Haweenka, Cambaarta iyo Kaadi mareenka, sida uu sheegay Dr Cabdulaahi Axmed Diini oo ka mid ahaa dhalinyarada dawaynta samaynayey.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

Next Post

IFJ oo sheegay in ay halis ku jiraan  Saxafiyiinta  ku sugan Afgaanistaan

Next Post
IFJ oo sheegay in ay halis ku jiraan  Saxafiyiinta  ku sugan Afgaanistaan

IFJ oo sheegay in ay halis ku jiraan  Saxafiyiinta  ku sugan Afgaanistaan

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In