Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug oo laga fulliyey dawayn lacag la’aan ah “SAWIRRO

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug oo laga fulliyey dawayn lacag la’aan ah “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Deegaanka Xinlabi ee gobolka Mudug ayaa laga fulliyey dawayn lacag la’aan ah oo ay ka faa’iideysteen in ka badan 300 oo qof.

Hawshan caafimaad oo ururka dhalinyarada Horusocod ka fuliyey magaalada Xinlabi ee gobolka Mudug, waxaa ka faa’iideystay in ka badan 300 oo ruux oo ay u badan yihiin Haween iyo Carruur, waxaana dawada iyo baaritaankuba ay ahaayeen lacag la’aan.
Bukaanada la daweeyey ayaa ka mahadceliyey kaalmada dawada ah ee lala soo gaaray deegaankan oo aan lahayn Isbital shaqeeya.
Hindi Maxamed Calibarre oo ka mid ah bukaanada ka faa’iideystay mashruucan ayaa sheegtay in ay Xinlabi uusan ka jirin wax adeeg caafimaad ah, ayna u soo joogeen dhacdooyin badan oo xanuun leh.
“Waxaa igu dhacday inaan la cararay gabadhayda oo fool ah, oo kalaamiso ku dhacday, waxaan u qaadnay Baxdo, waxaana uga sii gudbiyey Cadaado, iyadoo mayd u eg ilmihiina ay ku dhex dhinteen” ayey tiri Hindi
Deegaanka Xinlabi waxa uu Cadaado u jiraa in ka badan 160-km, waxaana yar dadka awoodi kara inay gaari kiraystaan marka ay bukaanada qaadayaan.
Haaruun Xasan Cabdiraxaan oo ah gudoomiyaha ururka dhalinyarada Horusocod oo dawayntan fuliyey ayaa sheegay sheegay inay ka damqadeen duruufaha caafimaad darro ee ka jira Xinlabi, sidaa darteedna ay isu xilqaameen inay ka jawaabaan intii awoodooda ah.
Sayid Cali Xuseen Gaabane oo isna xubin sare ka ah ururkan ayaa ugu baaqay qurbajoogta, hay’adaha samafalka iyo dawlad goboleedka Galmudug in wax laga qabto baahida caafimaad darro ee ka jirta deegaanka Xinlabi iyo deegaanada u dhaw dhaw oo aan lahayn wax Isbitaal ah.
Cudurada ugu badan ee ka jira Xinlabi waxaa ka mid ah Malaariyada, cudurada neefmareenka, nafaqadarrida Carruurta, Haweenka, Cambaarta iyo Kaadi mareenka, sida uu sheegay Dr Cabdulaahi Axmed Diini oo ka mid ahaa dhalinyarada dawaynta samaynayey.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle oo shirguddoomiyey kulan looga hadlayay amniga

Next Post

IFJ oo sheegay in ay halis ku jiraan  Saxafiyiinta  ku sugan Afgaanistaan

Next Post
IFJ oo sheegay in ay halis ku jiraan  Saxafiyiinta  ku sugan Afgaanistaan

IFJ oo sheegay in ay halis ku jiraan  Saxafiyiinta  ku sugan Afgaanistaan

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In