Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo daahfuray talaalka ayaa ku dhawaaqay in shaqaalaha dowladda Soomaaliya ay Waajib ku tahay inay qaataan talaalka Cudurka COVID-19 maadaama looga baahan yahay inay si joogta ah u shaqeeyaan.
Guddoomiyaha Guddiga Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Abshirow Maxamed oo munaasabada daahfuray ayaa sheegay in shaqaalaha dhamaan looga baahan yahay inay qaataan Talaalkaan COVID-19.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaafka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya DR Fowsiyo Abikar Nuur ayaa sheegtay in shaqaalaga rayidka looga wada baahan yahay inay qaataan talaalkaan.
Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sheegay in qofkii shaqaalaha ka mid ah ee qaadan waaya talaalka talaabo laga qaadayo.
Hirgalinta talaalkaan ayaa waxaa siwada jir ah isaga kaashaanaya Wasaaradda Caafimaadka iyo Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha Rayidka waxaana waajib ku ahaaneysa shaqaalaha rayidka iyo bulshada inay qaataan talaalkaan.
Ujeedka qaadashada talaalka COVID-19 ee Shaqaalaha Dowladda ayaa looga gol-leeyahay in la yareeyo qatarta cudurka COVID-19 iyo sidookale in shaqaaluhu si toos u bilaabaan shaqada Dowladda iyada oo laga cabsi qabin cudurka COVID-19 waxaana hirgalintiisa iska kaashanaya Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada iyo Guddiga Shaqaalaha rayidka ah waxaana la bilaabi doonaa qaadashada talaalka isbuucyada soo aadan.