Wasaradda arrimaha gudaha iyo u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Dood Dadweyne oo lagu dhiiri galinaayo doorashooyin nabad ah in ay ka dhacaan dalka waxa ay ku qabatay muqdisho
Doodaan waxaa ka qeeybgalay Aqoonyahanno wayo arag ku ah doorashooyinka Soomaaliya iyo dadweyne badan oo su’aalo ka keenay hanaanka loo maray doorashooyinka ka bilaawday dalka.
Aqoonyahan Garaad Abdisalan Malah iyo Rooble Axmed, oo ka mid ahaa Aqoonyahadi ka qeeybgalay dooda ayaa ka jawab su’aal ay weydiiyeen qaar ka mid ah dadweynahii ka soo qeeybgalay kullanka.
Agaasimaha waaxda Arrimaha Faderaalka ee Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdinaasir Maxamed, oo soo xiray kulanka doodan dadweynaha ayaa faafaahiyay muhiimada doodaha ceynkan ah ay u leeyahaeen hanaanka doorashooyinka dalka.