Sunday, August 10, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xog laga helay Duqeeyntii Ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Afgaanistaan

caqiil by caqiil
September 11, 2021
in Wararka
0
Xog laga helay Duqeeyntii Ciidamada Mareykanka ay ka fuliyeen Afgaanistaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wargeyska The New York Times ayaa Jimcihii shalay daabacday war ka hor imaanaya warbixintii Ciidamada Mareykanka ee ku saabsaneed duqeyntii dhawaan ay ka fuliyeen Afgaanistaan ka hor ka bixitaankoodii.

29-Bishii Ogosto Ciidamada Mareykanka ayaa duqeyn xagga cirka ah la beegsaday gaari lasheegay in walxaha qarxa ay ka soo buuxiyeen Kooxda Daacish, kuwaa oo doonayay inay ku qarxisyaan Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

August 10, 2025
DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

August 10, 2025

Qoyska darawalkii waday  Gaariga la qarxiyay,  ayaa u sheegay Wakaaladda wararka AFP, maalin kadib duqeynta, inay ku dhinteen 10 qof oo u badan Carruur.

Wargayska The New York Times, ayaa warbixintiisa  ku saleeyay Waraysiyo iyo Sawirro ay qaadeen kaamirooyinka wax ilaaliya.

New York Times ayaa sidoo kale tilmaamtay, iyada oo soo xiganeeysa kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, in  baabuurka la duqeeyay ay Ciidamada ka shakiyeen, balse ay saarnayeen dad Rayid ah.

Wargeysku wuxuu sidoo kale Su’aalo ka keenay, Waraysiyo uu la yeeshay dad khubaro ah, kuwaa oo sheegay in sheegashada Ciidamada Mareykanka ay tahay waxba kama jiraan.

Dhanka kale Ciidamada Mareykanka ayaa wali  ku adkeysanaya in duqeynta ay u geeysteen Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay oo la damacsanaa in lagu weeraro Garoonka Diyaaradaha Kabul.

Previous Post

Daawo Documentary ka hadlaya Saameynta weerarradii 11-kii September 2001-dii

Next Post

Danjire Cawaale Cali Kullane” Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in hishiis dhanka beeraha ah la saxiixato dalka Shiinaha”

Next Post
Danjire Cawaale Cali Kullane” Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in hishiis dhanka beeraha ah la saxiixato dalka Shiinaha”

Danjire Cawaale Cali Kullane" Soomaaliya waxa ay u baahan tahay in hishiis dhanka beeraha ah la saxiixato dalka Shiinaha"

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjooge ka tirsan Khawaarijta

August 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wuxuu shaacinayaa in saaka abaare 7:00 subaxnimo howlgal qorsheysan laga fuliyay deegaanka Warta...

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

DFS oo dhaqangelisay Nidaamka Casiriga ee Dad-dhigista iyo Tirakoobka Xaaladaha Madaniga ah ee (CRVS)

August 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta ee Soomaaliya, ayaa ku dhawaaqday hirgelinta Adeegga Diiwaangelinta Madaniga ah...

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Ciraaq

Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo kulan la qaatay wafdi ka socda dalka Ciraaq

August 10, 2025
0

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa xafiiskiisa kula kulmay wafdi ka socda dalka Ciraaq,...

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad Khawaarijta ka tirsanaa oo lagu soo qabtay dagaalkii Bariire

August 10, 2025
0

Weriye Zakariye Qaasim Bagax oo ku sugan Bariire ayaa la kulmay labo ka mid ah maxaabiista dagaalka ee Khawaarijta looga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In