Tuesday, September 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xuska Sanad guuradii  5-aad ee aasaaska Hirshabelle oo loo dabbaal dagay

caqiil by caqiil
October 6, 2021
in Wararka
0
Xuska Sanad guuradii  5-aad ee aasaaska Hirshabelle oo loo dabbaal dagay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen(Guudlaawe) ayaa ka qeybgalay Munaasabad balaaran oo loogu dabbaal degayay sanad guurada 5aad ee aaasaaska Hirshabeelle.

Munaasabadaan lagu  xusayay sanad guurada 5-aad ee aasaaska Hirshabeelle oo xalay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar, Gudoomiyaha Baarlamaanka Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed, Gudoomiye Ku Xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Madaxweynihii hore ee Hirshabeelle, Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaaalka, qaar ka mid ah Senatarada Cusub ee Hirshabeelle, Xildhibaanada golaha shacabka, xildhibaanada Hirshabeelle, qeybaha kala duwan ee Hirshabeelle iyo marti sharaf kala duwan.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025

Sidokale inta ay socotay Munaasabada waxaa qadka Zoomka uga qeybgalay Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, oo ugu Hambalyeey Hogaanka iyo Shacabka Hirshabeelle xuska Sanad guurada 5aad ee Aasaaska Dowlad gobaleedka Hirshabeelle.

Madaxweynaha Dowlad gobaleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaah Xuseen oo Munaasabada ka hadlay ayaa guud ahaan shacabka Hirshabeelle ugu hambalyeeyay 5-ta October oo ku beegan maalintii dhidibada loo taagay Hirshabeelle.

Madaxweynaha ayaa ka dhawaajiyay in guulo badan la gaaray hadana ay diyaar u yihiin inay la tashtaan cidwalba oo tabasho qabto, xalkana uu ku yimaado in la isa soo hor fariisto.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn shahaado sharaf gudoonsiiyay masuuliyiin si wanaagsan ula shaqeeyay Maamulka Hirshabeelle.

Previous Post

Ciyaartooyda Degmooyinka Warta Nabadda iyo C/casiis oo wada badiyay tartanka Kubadda Gacanta “SAWIRRO”

Next Post

Golaha Ammaanka QM oo maanta ka shiraya xaaladda Itoobiya

Next Post
Golaha Ammaanka QM oo maanta ka shiraya xaaladda Itoobiya

Golaha Ammaanka QM oo maanta ka shiraya xaaladda Itoobiya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo kormeeray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, oo ka jawaabaya dareenka shacabka Soomaaliyeed, oo ka cabanayay in la...

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

Guddoomiyaha SoDMA oo ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa ku dhawaaqay abuurista Sanduuqa Qaranka ee Maareynta Khatarta Masiibooyinka,...

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

𝗚𝘂𝗱𝗱𝗼𝗼𝗺𝗶𝘆𝗮𝗵𝗮 𝗦𝗼𝗗𝗠𝗔 𝗼𝗼 𝗸𝗮 𝗾𝗲𝘆𝗯 𝗴𝗮𝗹𝗮𝘆 𝘀𝗵𝗶𝗿 𝗹𝗼𝗼𝗴𝗮 𝗵𝗮𝗱𝗹𝗮𝘆 𝗸𝗵𝗮𝘁𝗮𝗿𝗮𝗵𝗮 𝗰𝗶𝗺𝗶𝗹l𝗮𝗱𝗮

September 16, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdille, ayaa ka qeyb galay shir heer sare ah oo lagu...

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

Ra’iisul Wasaaraha dalka oo ka hadlay waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda sanadihii lasoo dhaafay

September 16, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay bulshada Soomaaliyeed uga jawaabayey su’aalo la xiriirra waxyaabaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In