Friday, January 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Soomaaliya oo ka qaybgashay bandhigga Ganacsiga ee Qaaradda Afrika “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Soomaaliya oo ka qaybgashay bandhigga Ganacsiga ee Qaaradda Afrika “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyadoo mudooyinkan dambe ay caasimadda Addis Ababa ka socotay munaasabad ballaaran oo lagu soo bandhigayey arrimaha dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga wadamada Afrika ayna ka qayb galeen in ka badan 30- dawladood ayaa maanta waxaa loo gudbay qaybta soo bandhigidda Ganacsiga Afrika, waxaana ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia oo si buuxda u metelayey Dawladda Soomaaliya.

Madasha ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay qalabka dhaqanka ee waddamada ka qayb galay munaasabadda, iyadoo madaxda safaaradda Soomaaliya ay booqdeen kana dukaamaysteen goobta lagu soo bandhigay qalabyada kala duwan, inkastoo aysan suurta gelin in madasha la keeno qalabka dhaqanka ee u gaarka ah Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026

Madasha markii ay soo idlaatay kadib waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Mustafe Mahdi Cashuur u qaybsanaha ganacsiga safaaradda Soomaaliya ee Ethiopia, isagoo si kooban u sharaxay qaabkii ay Soomaaliya uga qayb gashay madasha iyo waxyaalaha looga hadlay.

Qunsulka labaad ee safaaradda Soomaaliya dalkan Ethiopia Cali Xuseen Maxamed “Atam” dhankiisa sheegay in sanadaha dambe Dawladda Soomaaliya looga baahanyahay diyaar garow heerkiisu sarreeyo oo ka duwan midka aan sanadka kaga qayb galnay munaasabadda dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga Qaaradda Afrika.

Munaasabadahan kala duwan ee la xiriira soo bandhigidda arrimaha dhaqanka, dalxiiska iyo ganacsiga qaaradda Afrika ayaa waxay muddo todobaad ah ka socdeen dalka Ethiopia, waxaana Dawladda Soomaaliya ay samaysay bandhig iyo ka aqayb gal heerkoou sarreeyo.

Previous Post

Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir oo la kulmay maamulaayasha xarumaha xanaannada carruurta “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Isboortiga oo ka soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay weerarkii arggagixiso ee xalay

Wasaaradda Isboortiga oo ka soo horjeesatay doorashada ay qabsadeen guddiga Olombiyada Soomaaliyeed

Ciidanka Dowladda oo  cagta mariyay farriisimo ay ku sugnaayeen khawaarijta

Khawaarij lagu laayey deegaanka Wargaadhi

January 2, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwo deegaanka ayaa maanta jab xooggan gaarsiiyey kooxda Khawaarijta ah, kadib markii ay isku dayeen inay...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026

January 2, 2026
0

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu, Friday, 2nd January, 2026   1- The Federal Republic of Somalia expressed thankfulness...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026

January 2, 2026
0

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Muqdisho, Jimco, 2-da Janaayo, 2026   1- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa mahadnaq ballaaran u...

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

Dood ku saabsan doorka qurba-joogta ee difaaca dalka oo lagu qabtay Muqdisho

January 2, 2026
0

Maamulka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Magaalada Muqdisho ku qabatay dood cilmiyeed ku saabsan doorka Qurbo joogta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In