Monday, October 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dawladda Federaalka iyo Dawlad goboleedyada oo xoojinaya iskaashiga dhammeystirka Diiwaanka mideysan “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Dawladda Federaalka iyo Dawlad goboleedyada oo xoojinaya iskaashiga dhammeystirka Diiwaanka mideysan “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir wadatashi ah ayaa maanta uga furmay Muqdisho , Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradaha Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dawlad gobolleedyada Dalka.

Wadatashiga ayaa diiradda lagu saaray dhammeystirka diiwaanka mideysan iyo xog keydiyaha Barnaamijka Baxnaano, iyadoo hannaankan ay Dawladda maamuleyso uu gacan ka geysanayo in si midaysan hal meel loogu hayo macluumaadka dadka la caawinayo ee dhammaan mashaariicda socota, taasoo sahlaysa isu-duwidda iyo waxtarnimada mashaariicda, isla markaana dawladdu si hufan ugu adeegto muwaadiniinteeda.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Wasiirka Qorsheynta Qaranka mudane Jamaal Maxamed Xasan ayaa kulanka ka sheegay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Dawladda wakiil uga ah hannaankan in looga baahan yahay dhammeystirka diiwaanka bulsho iyo xog-keydiyaha.

Wasiirrada Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Dawlad-gobolleedyada , Puntland , Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland iyo Wasiir ku-xigeenka Koonfur Galbeed , ayaa si wadajir ah u xaqiijiyay inay ka go’antahay dhammeystirkan nidaamka xogta Bulshada iyo hirgalinta siyaasadda Arrimaha Bulshada.

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya , Mudane Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa gaba gabada kulanka sheegay siyaasadda Arrimaha Bulshada inay door ka qaadanayso kobaca Bulshada nugul, wuxuuna tilmaamay xog-keydiyaha inuu suragalinayo Dawladda inay maamusho dhammaan xogta Dadka nugul ee ku nool dalka.

“Dadaalkeenna hadda wuxuu yahay in la dhammeystiro hannaanka sida ugu dhaqsadaha badan, wuxuu na gaarsiinayaa inan ognahay guud ahaan deegaannada dadka nugul ee xaaladaha deg degga ah wajihi kara xaaladaha bani’aadanimo.” ayuu yiri Wasiir Cabdiwahaab.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan gelisay deegaanka Dhagtuur oo lagu dagaalamay “SAWIRRO”

Next Post
Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan gelisay deegaanka Dhagtuur oo lagu dagaalamay “SAWIRRO”

Galmudug oo xabad joojin ka dhaqan gelisay deegaanka Dhagtuur oo lagu dagaalamay “SAWIRRO”

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In