Tuesday, December 16, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay Agaasimaha xarunta Caalamiga ah ee xalinta khilaafaadka Masar

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Safiirka Soomaaliya ee Masar oo la kulmay Agaasimaha xarunta Caalamiga ah ee xalinta khilaafaadka Masar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Soomaaliya ee Qaahira ahna wakiilka joogtada ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Ilyaas Sheekh Cumar ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira Mudane Danjire Axmed Cabdiladiif.

Safiirka ayaa sheegay in agaasimaha uu kalla hadlay sidii loo kordhin lahaa tababarada la siiyo Soomaaliya ee ay bixiso Xaruntaan, kuwaas oo la xiriira dib u dhiska dalka iyo tayeynta shaqaalaha Dowladda iyadoo la xoojinayo iskaashiga labada dhinac iyo labadda shacab.

Related posts

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025

Safiirka Soomaaliya ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay doorka ay Xarunta Caalamiga ah ee Xallinta Khilaafaadka iyo Nabadeynta ee Qaahira ay ka ciyaareyso dhismaha awoodaha dalalka soo koraya ee dhinacyadda nabadda iyo amniga,; gaar ahaan ka hortagga xagjirnimada horseedaya argagixisanimadda, la dagaallanka socdaalka sharci darrada ah iyo tahriibinta dadka, kaalinta haweenka ee Nabadda iyo Amniga, Isbeddelka Cimiladda iyo xiriirka ay la leeyihiin Amniga iyo Horumarka.

Safiirka ayaa ka Mahad celiyay kaalinta wax ku oolka ah ee Masar ee Nabadda Adduunka iyo dadaalka aan kala joogsiga lahayn ee iskaashiga Caalamiga ah isla markaana Wuxuu bogaadiyay shaqada Xarunta Qaahira ee Gobolka iyo Aduunka si kor loogu qaado xaqiijinta Nabadda iyo Horumar waara.

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Wasaaradda Diinta Galmudug oo ku baaqday in la dhigo isu soo bax Roob-doòn ah

Next Post
Wasaaradda Diinta Galmudug oo ku baaqday in la dhigo isu soo bax Roob-doòn ah

Wasaaradda Diinta Galmudug oo ku baaqday in la dhigo isu soo bax Roob-doòn ah

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

Golaha Shacabka oo Akhrinta koowaad marsiiyay Hindise-sharciyeedka dhisidda Hay’adaha Adeegga Saadaasha Hawada

December 15, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 7-aad, kulankiisa 22-aad. Kulanka waxaa...

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo Wada-tashi ka Furay Nidaamka Xeer-dajinta Dowladda

December 15, 2025
0

Xoghayaha Joogtada ah ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Mudane Kamaal Daahir Guutaale, ayaa daahfuray kulan aqoon-is-weydaarsi ah oo ku saabsan hagaajinta...

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

Duqa Muqdisho oo Dhagax-dhigay Mashaariic Muhiim u ah Dadweynaha Caasimadda

December 15, 2025
0

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta hoggaamiyay munaasabadda dhagax-dhigga xarumo muhiim u...

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

Hay’adda Tirakoobka oo daah furtay warbixintii ugu horreysay ee Soomaaliya ee Tilmaamayaasha Deegaanka

December 15, 2025
0

Hay’adda Qaranka ee Tirakoobka Soomaaliyeed (SNBS), iyada oo kaashanaysa wasaaradaha ay wada-shaqeeyaan iyo bah-wadaagta horumarinta, ayaa si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In