Maxkamada darajada kowaad ee Ciidamada qalabka sida qeybta 27-aad ayaa maanta dil toogasho ah ku filisay dable NISA, Maxamed Cali Xuseen, oo dhawaan degmada Baladxaawo ku dilay labo wiil oo dhalinyaro ah, xilli ay sugnayeen goob Kubadda lagu ciyaarayay oo ku taal degmada Baladxaawo.
Maxkamada aya fadhiyo kala duwan ka yeelatay kiiska xukunsanha, iyadoona ugu dambeyntii 9-Bishaan Xukunkiisa uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha maxkamada qeybta 27-aad ee Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdule, waxana goobta lagu fulinayay xukunka gobjoog ahaa xafiska xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeybta 27-aad ee ka howlgasha degmada Baladxaawo ee gobalka Gedo.