Wednesday, May 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shir looga hadlayo qiimeynta adeegyada Caafimaadka oo ka furmay Dhuusamareeb “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Shir looga hadlayo qiimeynta adeegyada Caafimaadka oo ka furmay Dhuusamareeb “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa magaalada Dhuusamareeb ka furtay shirka qiimeynta adeegyada Caafimaadka iyo Wadashaqeynta  Wasaaradda iyo Hey’adaha ka shaqeeya Caafimaadka  ee sanadka dhamaanaya 2021 iyo qorsheynta Shaqada, wadashaqeynta iyo isla xisaabtanka ee sanadka dhalanaya 2022-ka

Shirkaan oo uu si rasmi ah uu u furay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Galmudug Dr. Cabdiweli Cabdullaahi Jamac, ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug Mudane Cabdiraxman Maxamed Diiriye (Makaawi), Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed, Mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Caafimaadka Galmudug qaybaheeda kala duwan, Hey’adaha Qaramada Midoobay gaar ahaan UNICEF, WFP, WHO, UNOCHA, Hey’adaha ka shaqeeya Caafimaadka Galmudug iyo qayba kale.

Related posts

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026

Shirkaan  oo socon doona Labada maalin ee soo aadan ayaa waxaa ka soo bixi doona qodobo ay ka mid yihiin waxa qabsoomey sanadkan, waxa aan qabsoomin, qaladaadka dhacay ee u baahan in la saxo, waxyaabaha mudan in la joogteeyo, qorsheynta wax qabadyada sanadka soo socda iyo Qaabka loo hormarinayo wada shaqeynta Wasaaradda iyo Hey’adaha kale ee caalamiga ah.

Dr. Cabdiwali Maxamed Axmed Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Galmudug ayaa xusay inay la imaan doonaan qorshe howled cad oo ku qeexan waxyaabaha u qabsoomay iyo waxa ay hiigsanayaan.

Cabdiraxmaan Maxamed Diiriye Wasiirka Gargaarka iyo Dr. Cabdiweli  Cabdulaahi Jaamac Wasiirka Caafimaadka Galmudug ayaa ugu dambeyn u jeediyay hey’addaha gargaarka in waajibaadka saaran ay u gutaan sida ugu hufan, lana xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeyso Galmudug iyo hay’adaha caalamiga ah.

Previous Post

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka

Next Post

3 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Jowhar “SAWIRRO”

Next Post
3 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Jowhar “SAWIRRO”

3 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan Jowhar “SAWIRRO”

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA QAYB GALAY CALEEMO-SAARKA MADAXWEYNAHA YUGAANDHA

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu wehliyo Wasiirka Gaashaandhigga...

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxa bannaan ee Xuquuqul Insaanka oo la kulantay Safiirka Midowga Yurub

May 12, 2026
0

Guddoomiyaha Guddiga Qaranka Madaxbannaan ee Xuquuqul Insaanka, Dr Maryam Qaasim, ayaa maanta kulan la yeelatay Safiirka Midowga Yurub u fadhisa...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

Wasiirka Warfaafinta XFS oo xilka la wareegay

May 12, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa galabta xilka u kala wareejiyey Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Mudane...

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

Wasiirka Gaadiidka XFS oo digniin u diray shirkadaha diyaaradaha

May 12, 2026
0

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada XFS ayaa ka hadashay caqabadaha ka jira Garoonka Aadan Cadde. Wasiir Maxamed Faarax Nuux ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In