Friday, October 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Xukuumadda oo beenisay dacaayado ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dalka

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
5 years ago
in Wararka
0
Xukuumadda oo beenisay dacaayado ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay socdeen dacaayado been abuur ah oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Wasiir Cadaala oo Saxaafadda kula hadlay xarunta Wasaaradda Warfaafinta ayaa beeniyay wararka been abuurka ah oo uu sheegay inay abaabuleen kooxo doonaya inay magac dilaan Ra’iisul Wasaaraha Dalka.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa hoosta ka xariiqay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dadaal badan ku bixiyay sidii dalkan uu uga baaqsan lahaa dagaal, kuna guuleystay in dalka ay ka dhacdo Doorashada Golaha Aqalka Sare iyo tan Golaha shacabka oo bilow fiican mareysa, ayna ka go’antahay Ra’iisul Wasaaruhu in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Waa Nasiib darro in dacaayadaas raqiiska ah loo adeegsado saraakil ciidan iyo xarumo dowladeed, Ra’iisul Wasaaraha markii uu arrinkaas arkay, waxa uu u maray
In lagu saxo dariiqa hay’adaha dowladda”. Ayuu yiri Wasiir Cadaala oo hadalkiisa ku daray in guddiyada howsha baarista ah loo diray lagu sameeyay faragelin.

“Ra’iisul Wasaaraha mas’uuliyad aya ka saaran hirgelinta doorashada, Xukuumadda waxay shacabka Soomaaliyeed la socodsiineysaa inaysan dooneyn in dalka laga sameeyo talaabooyin qaldan oo baalmarsan sharuucda dalka u yaalo”. Ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay garab istaagaan Xukuumadda oo ay gacan ku siiyan gudashada waajibadka ka saaran hirgelinta doorashada lagu heshiiyay.

Previous Post

Ethiopia government says military won’t cross into Tigray

Next Post

Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin ay argagixisada geliyeen waddooyinka “SAWIRRO”

Next Post
Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin ay argagixisada geliyeen waddooyinka “SAWIRRO”

Ciidanka Xoogga dalka oo fashiliyay miinooyin ay argagixisada geliyeen waddooyinka "SAWIRRO"

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In