Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Wasiirada Gaashaandhigga, Amniga, Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka, Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Xubnaha labada Gole ee Dowladda iyo Mas’uuliyiin kale.