Howlgal ay sameyeen Ciidamada Darawiishta Jubbaland oo khasaaro kala duwan ay ugu geysteen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab, ayaa ka dhacay degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose.
Holgalka ayaa yimid kadib markii maleeshiyaadka argagixisada ay soo weerareen Saldhiga Ciidamada ay ku leeyihiin degmada Afmadow, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal lagu laayay maleeshiyaad badan oo ka mid ah kuwii soo weerartay Saldhiga.
Intaa kadib Ciidamada ayaa howlgallo balaaran ka sameeyay Degmada Afmadow iyo Tuulooyin hoostago, halkaas oo Ciidamada ay ku burburiyeen goobo ay ku dhumaleeysanayeen argagixisada.
Saraakiil hogamineeysa Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa sheegaya in khasaaro kala duwan ay gaarsiyeen maleeshiyaadka argagixisada, ayna sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.