Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay oo ay ka socoto doorashada Shan kamid ah kuraasta Golaha Shacabka, ayaa waxaa goordhow la doortay laba ka mid ah Shantii kursan ee maanta loo madlanaa in halkaas lagu doorto.
Kursiga tirsigiisu yahay Hop#184, oo ahaa kursiga kowaad ayaa waxaa ku tartamay Musharaxiinta kala ah Xasan Cabdi Nuur iyo Maxamedย Cabdulaahi Cali, waxaana ku guleeystay Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur.
Kursiga labaad oo tirsigiisu ahaa Hope#85, ayaa waxaa ku guleeystay Xildhibaan Shariif Maxamed Cabdalla.
Gudiga hirgelinta Doorashooyinka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed (SEIT), ayaa sheegay in ay sii socon doonaan doorashada Kuraasta golaha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya ee ka dhaceeyso magaalada Baydhabo.