Tuesday, June 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka, Warka ugu Weyn
0
Doorashada shan kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka oo lagu qabtay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Doorashada shan kursi oo ka mid ah golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa maanta lagu qabtay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Doorashada oo ka qabsoontay Madaxtooyada magaalada Baydhabo ayaa waxaa goob joog ka ahaa kormeerayaal caalami ah, wakiilo ka socday guddiyada doorashooyinka, waxaana maanta halkaasi lagu soo doortay shan Xildhibaan.

Related posts

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026

Xubnaha kuraasta Golaha Shacabka ee maanta ku guuleystay ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa horey kuraasta beelahooda ku matalayay oo dib markale loo doortay iyo qaar kale oo cusub oo ku soo baxay doorashada maanta.

Guddoomiye ku-xigeenka Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Nuuradiin Ibraahim ayaa Warbaahinta Qaranka u sheegay in shan kursi ay qabteen maanta, isla markaana si guul ah ay ugu soo dhamaatay doorashada.

“Maanta oo ay taariikhdu tahay 19 bisha Janaayo 2022, waxaa inoo qabsoomay doorashadii Golaha Shacabka, shan kursi oo ka mid ah 11-ka kursi ee aan shaacinay, shanta kursi waxa ay kala ahaayeen kuraastooda Hope#176, Hope#184, Hope#85, Hope#46 iyo Hope#156”. Ayuu yiri Nuuradiin.

  1. Xasa Cabdinuur ayaa ku guuleystay kursiga koowaad ee tartankii maanta Hope#184, kaasi oo horey uga tirsanaa Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya.
  2. Shariif Maxamed Cabdullaahi ayaa isna ku soo baxay kursiga tirsigiisu yahay Hope#85, kaas oo markale dib loogu doortay Xilka Xildhibaannimada.
  3. Maxamed Wardheere Cabdi ayaa ku soo baxay kursiga sumadiisa yahay Hope#46,
  4. Maxamed Aadan Maxamed ayaa ku guuleystay kursiga sumadiisa yahay Hope#156 iyo
  5. Maxamed Mursal Maxamuud ayaa isna ku soo baxay kursiga sumadiisu yahay Hope#176

Guddoomiye ku-xigeenka ayaa xusay in todobaadka soo socda ay shaacin doonaan waqtiga la qabanayo lix kursi oo ka mid ah kuraasta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed Soomaliya.

Horey waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah lagu soo doortay 11 kursi, waxaana tirada guud ee Baydhabo laga soo doortay ay gaareysaa 16-Xildhibaan.

Previous Post

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo kulan looga hadlayay Nabadgelyada Caabudwaaq la yeeshay Madax kala duwan “SAWIRRO”

Next Post

Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ka daahfurtay Shirka Madasha Qaran ee Beeraha “SAWIRRO”

Next Post
Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ka daahfurtay Shirka Madasha Qaran ee Beeraha “SAWIRRO”

Wasaaradda Beeraha oo Muqdisho ka daahfurtay Shirka Madasha Qaran ee Beeraha “SAWIRRO”

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

Agaasimaha Guud ee Tubsan oo ka qayb galay shirka GCERF oo ka dhacay Geneva

June 2, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, Md. Cali Yaasin Gurbe, ayaa maanta ka qeyb galay shir heer sare ah...

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

Wasiirka Amniga Gudaha iyo EUCAP oo ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Amniga 

June 2, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – 2 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Gen. Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa...

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

Xildhibaannada cusub ee KGS oo loo furay tababar la xariira Doorashooyinka

June 2, 2026
0

Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta magaalada Baydhabo loogu furay tababar lagu xoojinayo fahamkooda ku aaddan...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo ka qayb galay Kulanka Wasiirrada Afrika la yeesheen Madaxweyne Lee Jae-myung

June 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qeyb galay kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In