Kadib markuu ogaaday in Dastuurka Ku Meel-gaarka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 36aad uu mamnuucayo in qof loo dhiibo dal kale haddii aanu jirin heshiis si cad u fasaxaya isu-dhiibista, qofka la dhiibayana aan eed lagu soo oogin ama aynan maxkamadi xukumin, isla markaana dhiibitiisa aan loo marin waddada sharcigu qeexayo;
Ka dib markuu soo xaqiijiyay in aanu jirin heshiis isu dhiibis oo ay Soomaaliya la gashay Ethiopia.
Ka dib markay u caddaatay in dhiibistu sharci darro noqonayso haddii aan la buuxin labada shardi ee uu dhigayo qodobka 11aad ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliya oo kala ah:
1) in falka uu gaystay kan la dhiibayo uu dambi ka yahay dalka wax dhiibaya iyo kan loo dhiibayo labadaba ;
2) in haddii uu dambiile noqdo qofka la dhiibayaa aanu dambigaasu ahayn mid siyaasadeed;
Ka dib markuu soo xaqiijiyay in Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay dowladda Ethiopia u haysatay arrimo siyaasadeed oo maanta aan dambi ka ahayn Ethiopia, Soomaaliyana aan sharcigeedu marna dambi ka dhigin;
Ka dib markuu ogaaday in ururka ONLF aanu marnaba ku sifoobin sharciyada caalamiga ay u qeexaan argagixisada oo dalka kaliya ee argagixso u aqoonsadayna ay tahay Ethiopia oo uu ka dhaxeeyay dagaal siyaasadeed oo iyaduna hadda ka laabatay go’aankaas, uu haatan ururku si caadiya uu uga hawl-galo gudaha dalka Itoobiya.
Kad bib markuu ku qancay in u dhiibistii Ethiopia loo dhiibay Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) 28kii August 2017 iyo Go’aankii Golaha Wasiirada ee 6ii September ee Uruka ONLF loogu aqoonsaday argagixiso aan loo cuskan wax sharciyad ah ayna baal-marsanayd dhammaan shuruucda kor lagu xusay;
Ka dib markii Golaha Shacabku ee JFS si cad u diiday in ONLF argagixiso lagu tilmaamo iyo in Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) loo dhiibo Ethiopia, aanu wali golaha wasiiradu baddalin go’aankiisii uu ONLF ugu daray argagixisada uusanana qirin khaladkii dhiibista Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).
Ayuu isku Raacay:
1- In dhiibistii Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) ay ahayd xad-gudub lagula kacay Dastuurka Ku Meel-gaadhka ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya qodobkiisa 4aad, Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobkiisa 11aad iyo Hab-raacyada uu jeexay Habka Xeerka Ciqaabta Soomaaliya Qodobaddisa 278 & 279.
2- In dhiibistu ay xad-gudub ku ahayd xuquuqaha shakhsi ahaaneed ee Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax) sida xaqa qofku u leeyahay xorriyad iyo ammaan ee lagu xusay qodobka 15aad ee Dastuurka iyo xaqa u madax-bannaanida aragtida iyo u xor ahaanshaha cabbirka ra’yiga ee ku xusan qodobka 18aad ee Dastuurka.
3- In dhiibista CadikariinSh Muuse ay si weyn uga hortimid dareenka iyo mabaadida Shacabka Soomaaliyeed dal iyo dibad.
4- HADDABA Dawladda Soomaaliya waxa ay raali galin ka bixinaysa gefkii lagula Cabdikariim Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax).
5- In ururka ONLF aanay dawladda Soomaaliya u aqoonsanyn argagixiso oo go’aankii golaha wasiirada uu 6dii September 2017 ONLF ugu aqoonsaday argagixiso uu ahaa sharci darro, halkanna lagu baabi’yay.