Sunday, July 20, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Kismaayo

caqiil by caqiil
January 26, 2022
in Wararka
0
Saddex kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Kismaayo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa Maanta Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland lagu doortayy Saddexda kamid ah Kuraasta   Golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah, Hop0126, Hop118 iyo Hop127.

Kursiga Koowaad oo ah Hop0126, ayaa waxaa Maanta ku tartamay Wasiirka Gaadiidka Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed & Cabdiraxmaan Macalin Xuseen, waxaana ku guuleystay Xasan Xuseen Maxamed, oo helay 74 Cod, halka Musharaxii la tartanayay uu helay 21 Cod, waxaana xumaaday 5 Cod.

Related posts

Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee ay wada gaareen Dowladda DRC iyo kooxda hubeysan ee M23

July 20, 2025
Laanta hay’adda NIRA ee Hirshabelle oo si rasmi ah loo daahfuray

Laanta hay’adda NIRA ee Hirshabelle oo si rasmi ah loo daahfuray

July 20, 2025

Kursiga labaad oo ahaa HOP127, ayaa waxaa ku tartamay Cabdiqaadir Cabdullaahi Xirsi iyo Dr Axmed Aadan Axmed, waxaana  ku guuleystay  Dr. Axmed Aadan Axmed oo helay 84 Cod halka Cabdiqaadir Cabdullahi Xirsi uu helay 16 cod, waxaana halaabay 1 Cod.

Kursiga ugu dambeeyay kuraasta maanta la doortay oo ahaa HOP118, ayaa waxaa ku tartami lahaa Cumar Maxamed Cumar iyo Yuusuf Maxamed Ismaaciil, hayeeshee waxaa tanaasulay Cumar Maxamed Cumar, waxaana cod Gacan taag ah loogu doortay Yuusuf Maxamed Ismaaciil.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in Magaalada Kismaayo ee xarunta Dowlad gobaleedka Jubbaland, lagu qabto doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland.

Previous Post

Shir weynaha Garsoorka dalka oo mar kale maanta ka furmay Muqdisho

Next Post

Sawirro: RW Rooble oo la shiray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Next Post
Sawirro: RW Rooble oo la shiray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Sawirro: RW Rooble oo la shiray Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi

Dowladda Soomaaliya oo puntland ugu baaqday in ay joojiso colaadda ka taagan Dhahar

Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiiska xabbad-joojinta ee ay wada gaareen Dowladda DRC iyo kooxda hubeysan ee M23

July 20, 2025
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiis xabad-joojin ah oo dhexmaray DRC Congo iyo kooxda hubeysan ee M23. War-saxaafadeed ka...

Laanta hay’adda NIRA ee Hirshabelle oo si rasmi ah loo daahfuray

Laanta hay’adda NIRA ee Hirshabelle oo si rasmi ah loo daahfuray

July 20, 2025
0

Caasimada Dowladda Hirshabeelle ee Jowhar ayaa galabta lagu qabtay munaasabadda furitaanka laanta Hay’adda NIRA ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle. Munaasabadda waxaa...

Wasiir Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay safiirka dalka Talyaaniga ee Soomaaliya

Wasiir Arrimaha Dibadda oo kulan la qaatay safiirka dalka Talyaaniga ee Soomaaliya

July 19, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya

July 19, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamicadda Carabta u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In