Tuesday, May 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Carruur dhimasho iyo dhaawacba ka soo gaartay dab qabsaday guri ay ku jireen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Dab ka kacay Xaafadda Toowfiiq ee Degmada Yaaqshiid
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Allaha u naxariistee laba Carruur ah ayaa ku dhintay, halka laba kalena ku dhaawacmeen dab ka kacay guri jiingada oo ku yaala agagaarka garoonka Boorama ee degmada Sheekh Cismaan.

Ciidanka Dab-demiska Boorama oo goobtaas gaaray, isla markaana gurmad u fidiyay qoyska , ayaa dabkaa ka xakameeyeen gurigii , iyadoo intaa kadibna la sameeyay samatabixinta iyo in maydka laga soo saaro guriga.

Related posts

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026

Labada carruur ah ee dabka ku dhintay ayaa kala ahaa Deeqsan Sheekh Muuse Maxamed oo 3 Sanno jir ah iyo Aragsan Sheekh Muuse Maxamed oo 9 bilood jirtay, halka labada dhaawaca ah ay kala yihiin Muxumed Sheekh Muuse oo 5 sanno jiray iyo Khaalid Sheekh Muuse oo 8 sanno jiray.

Ciidanka oo la wareegay guriga ayaa bilaabay baarista waxa uu dabku  ka dhashay, waxaana dhaawacii iyo dhimashadii la gaarsiiyay isbitaalka, waxaana wararka qaar ay sheegeen in carruurta guriga kor looga xiray oo looga tegay, iyadoo ciidamada ay arrintaas ka digeen in carruurta guryaha kaligood looga tegayo.

Previous Post

Madaxweyne Farmaajo oo khubad ka jeedin doono Meertada 35-aad ee Shir Madexeedka Midowga Afrika “SAWIRRO”

Next Post

Guddiga xalinta xiisadda Beladweyne oo gaaray Jowhar

Next Post
Guddiga xalinta xiisadda Beladweyne oo gaaray Jowhar

Guddiga xalinta xiisadda Beladweyne oo gaaray Jowhar

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

Madaxweynaha Hirshabelle oo furay shirka Wadatashiga Caafimaadka Qaranka

May 12, 2026
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe, iyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

DFS oo ka qeybgashay Shir Madaxeedka Afrika iyo Faransiiska ee Nairobi

May 12, 2026
0

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeybgashay shir madaxeedka Africa Forward Summit, oo qayb ka ah Shirka Horumarinta Iskaashiga Afrika iyo...

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

Xeebta Baraawe: Wiil yar oo hirarka badda ugu halgamaya quudka reerkiisa

May 12, 2026
0

Xeebta Baraawe waxay xambaarsantahay saakay muuqaal ka hadlaya nolol, halgan iyo rajo. Wiil yar oo garanaya qiimaha nolosha ayaa badda...

Wasiirka  Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

Wasiirka Arimaha Dibadda XFS oo Hogaamiyaasha Afrika kala qeyb galay Shir madaxeedka Africa Forward

May 11, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta ka qeyb...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In