Thursday, April 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Doorashada qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo ka dhacday Baraawe

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Guddiga doorashada Galmudug oo guddoonsiiyay Musharixiir dhowr “SAWIRRO” 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Magaalada Baraawe ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed ayaa Maanta lagu qabtay doorashada Todoba kamid ah Kuraasta ugu dambeeysa ee degaan doorashadoodu tahay Magaaladaasi Baraawe.

Hop-045  ayaa waxaa ku guleeystay Maxamuud Axmed Maxamed, isagoo helay codad gaaraya 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Yuusuf Maxamed Cabdulaahi uu heley 8-cod, waxaana halaabay Saddex cod.

Related posts

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

April 16, 2026
DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

April 16, 2026

Sidokale kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-145, ayaa waxaa ku guleeystay Maxamed Cabdalla Axmed, isagoo helay codad gaaraya 76-cod, halka Cabdulaahi Ahmed Cabdi  oo la tartamayay uu helay 12-cod, laba codna way halaabeen.

Maxamed Cusmaan Cumar ayaa ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-162, wuxuuna helay codad gaaraya 74-cod halka musharaxii la tartamayey ee Maxamed Daliib Xasan uu heley 17-cod, Afar Cod ayaana halaabay.

Tartanka kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-148 ayaa waxaa ku guleeysatay Calwiya Siid Cabdullaahi, iyada oo heshay 88-cod halka Sacdiyo Maxamed Cabduqaadir  oo la tartameeysay ay heshay 10-cod laba Cod ayaana halaabay.

Suhuur Xaaji Culusow ayaa ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-256, waxayna heshay 87-cod halka musharaxii la tartamaysay ee Jiijo Axmed Iikow ay heshay 12-cod, waxaana kursiga.

Cali Sheekh Maxamed Nuur ayaa markale ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-143 ee xubinnimada Golaha Shacabka, isaga oo heley 90-cod halka musharaxii la tartamayey ee Cabduqaadir Maxamed Cabdullaahi uu heley 11-cod.

Sidokale Isaaq Maxamed Maxamuud ayaa markale ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop-163, isaga oo heley codad gaaraya 86-cod halka Cabdullaahi Cismaan Ibraahim, oo la tartamay uu heley 10-cod, waxaana halaabay Afar Cod.

Maalinta Beri ah ayaa lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo doorashada kuraasta taalla Magaalada Baraawe, waxaana la dooran doonaa Lix kursi oo ka harsan doorashada 13-ka Kursi ee degaan doorashadooda loo asteeyay magaalada Baraawe.

 

Previous Post

UNICEF oo ku dhawaaqday in dalalka Geeska Afrika ay wajahayaan Abaar daran

Next Post

RW Rooble oo faray Hay’adaha Amniga xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

Next Post
RW Rooble oo faray Hay’adaha Amniga xoojinta Nabadgelyada “SAWIRRO”

RW Rooble oo faray Hay’adaha Amniga xoojinta Nabadgelyada "SAWIRRO"

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta oo Muqdisho uga qeyb galay Bandhigga Farshaxanka Soomaaliya

April 16, 2026
0

Muqdisho, 16 April, 2026: Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala ayaa Muqdisho uga qeyb...

DfS oo war kasoo saartay arrinta dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya

Soomaaliya oo si cad u diidday faragalinta Israa’iil

April 16, 2026
0

WAR SAXAAFADED. FAAFIN DEG DEG AH Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday Tallaabo Israa’iil Ku Wajahan oo Wax u Dhimaysa Madaxbannaanideeda iyo...

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐒𝐡𝐢𝐫-𝐠𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐢𝐢 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐞𝐞𝐬𝐤𝐚 𝐀𝐟𝐫𝐢𝐤𝐚.

April 15, 2026
0

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir-guddoomiyay kulankii 𝟐𝟖-𝐚𝐚𝐝 ee Wasiirrada Maaliyadda Madasha Iskaashiga Dalalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya

April 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan la qaatay sii hayaha Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In