Wasiirka Waxbarashadda,Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane, Cabdullahi Abuukar Xaaji, (Cabdullahi Carab) ayaa magacaabay guddiga Rasmiga ah ee Afka Soomaaliga, Kuwaasi oo ka kooban Guddoomiyaha guddiga iyo sided iyo Laabatan xubnood(28 xubnood) oo la shaqeyn doona iyo Lix Xeel-dheereyaal ah(6Xeeldheere).
Wasiirka Waxbarashadda Mudane Cabdullaahi Carab, Waxaa uu farayaa/ku wargelinayaa dhammaan Xafiisyada ay ku socoto Magacaabistaani in ay la shaqeeyaan xubnaha la magacaabay una fududeeyaan howlahooda.