Monday, September 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Baydhabo

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Kursiga Koowaad ee tirsigiisu yahay  Hop#099 ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Madoobe Nuunow oo  ah Wasiirka Qorsneynta Koonfur Galbeed, wuxuuna helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayey  ee Cabdinasir Ibraahim Aadan  uu helay 25-cod.

Related posts

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026

Kursiga labaad ee Hop#168 ayaa waxaa ku guuleysatay Luul Ibraahim Cumar oo heshay 86-cod halka musharaxii la tartamaysay Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15-cod.

Kusriga xigay ee Seddexaad Hop#167 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdisalaan Cali Cabdi, isaga oo heley 74-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdi Maxamuud Maxamed uu heley 23-cod.

Kursiga Afaraad oo tirsigiisu yahay Hop#077 ayaa waxa ku guuleystay Maxamed Sheekh Cabdulaahi Ciirow oo ah Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13-cod, waxaana halaabay hal Cod.

Kursiga Shanaad ee Hop#186 ayaa  waxaana ku guuleystay Cabduqaadir Cumar Macalin, isagoo heley codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabduqaadir Aadan Cali  uu heley 25-cod, waxaana halaabay Hal cod.

Kursiga lixaad ee Hop#261 ayaa  waxaana ku guuleystay Saalax Shariif Siid Cali, oo ah Wasiirka Diinta & Awqaafta  Maamulka Koonfur Galbeed isaga oo helay codad gaaraya 90-cod halka Ismaciil Shariif Cali, oo la tartamayayna  uu heley 10-cod, waxaana halaabay  hal Cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan soo geba-gabeeyn doona doorashada Kuraasta golaha Shacabka, waxaanau harsan Toddoba  Kursi oo lagu dooranayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Previous Post

Wasiirka Tamarta Ukraine oo sheegay in Ciidamada Ruushka ay qabsadeen Warshadda Nukliyeerka Zaporizhia

Next Post

Agaasimaha Guud ee W/Qorsheynta oo kullan la qaatay wafdi ka socda Hay’adda NIIS

Next Post
Agaasimaha Guud ee W/Qorsheynta oo kullan la qaatay wafdi ka socda Hay’adda NIIS

Agaasimaha Guud ee W/Qorsheynta oo kullan la qaatay wafdi ka socda Hay’adda NIIS

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

XUSKA MAALINTA CAALAMIGA AH EE NABADDA ADDUUNKA

September 21, 2026
0

Waxaa xalay magaalada Gaalkacyo lagu qabtay munaasabad lagu xusay Maalinta Caalamiga ah ee Nabadda Adduunka, oo ku beegan 21-ka Sebtembar...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka

September 20, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa kulan la qaatay Guddiga Madaxa Bannaan ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In