Monday, October 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Baydhabo

caqiil by caqiil
4 years ago
in Wararka
0
Qaar kamid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu doortay Baydhabo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee Koonfur galbeed, ayaa maanta magaalada Baydhabo ku qabtay doorashada lix kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya.

Kursiga Koowaad ee tirsigiisu yahay  Hop#099 ayaa waxaa ku guuleystay Axmed Madoobe Nuunow oo  ah Wasiirka Qorsneynta Koonfur Galbeed, wuxuuna helay codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayey  ee Cabdinasir Ibraahim Aadan  uu helay 25-cod.

Related posts

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025

Kursiga labaad ee Hop#168 ayaa waxaa ku guuleysatay Luul Ibraahim Cumar oo heshay 86-cod halka musharaxii la tartamaysay Nasteexo Axmed Nuur ay heshay 15-cod.

Kusriga xigay ee Seddexaad Hop#167 ayaa waxaa ku guuleystay Cabdisalaan Cali Cabdi, isaga oo heley 74-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdi Maxamuud Maxamed uu heley 23-cod.

Kursiga Afaraad oo tirsigiisu yahay Hop#077 ayaa waxa ku guuleystay Maxamed Sheekh Cabdulaahi Ciirow oo ah Taliyaha qeybta 60-aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isagoo heley codad gaaraya 83-cod halka musharaxii la tartamayay Cabdinaasir Cali Xasan uu heley 13-cod, waxaana halaabay hal Cod.

Kursiga Shanaad ee Hop#186 ayaa  waxaana ku guuleystay Cabduqaadir Cumar Macalin, isagoo heley codad gaaraya 75-cod halka musharaxii la tartamayay ee Cabduqaadir Aadan Cali  uu heley 25-cod, waxaana halaabay Hal cod.

Kursiga lixaad ee Hop#261 ayaa  waxaana ku guuleystay Saalax Shariif Siid Cali, oo ah Wasiirka Diinta & Awqaafta  Maamulka Koonfur Galbeed isaga oo helay codad gaaraya 90-cod halka Ismaciil Shariif Cali, oo la tartamayayna  uu heley 10-cod, waxaana halaabay  hal Cod.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhawaan soo geba-gabeeyn doona doorashada Kuraasta golaha Shacabka, waxaanau harsan Toddoba  Kursi oo lagu dooranayo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Previous Post

Wasiirka Tamarta Ukraine oo sheegay in Ciidamada Ruushka ay qabsadeen Warshadda Nukliyeerka Zaporizhia

Next Post

Agaasimaha Guud ee W/Qorsheynta oo kullan la qaatay wafdi ka socda Hay’adda NIIS

Next Post
Agaasimaha Guud ee W/Qorsheynta oo kullan la qaatay wafdi ka socda Hay’adda NIIS

Agaasimaha Guud ee W/Qorsheynta oo kullan la qaatay wafdi ka socda Hay’adda NIIS

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

Xildhibaannada Baarlamaanka JFS ku matalay Baarlamaanka EAC oo laga shiray

October 12, 2025
0

Guddiga ku meel gaarka ah ee soo xulista Xildhibaannada Soomaaliya ku matelaya Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo...

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

Soomaaliya Oo Daah-furtay Wada-tashi Qaran oo Ku Saabsan Istaraatiijiyadda Isbeddelka Dhijitaalka

October 12, 2025
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada , oo kaashanaysa Midowga Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU), ayaa maanta furtay Watashi Qaran oo socon doona...

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

KUSIMAHA MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO SHACABKA SOOMAALIYEED UGU HAMBALYEEYAY MUNAASABADDA 12-KA OCTOBER

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Kusimaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Danjiraha Qadar Ee Soomaaliya

October 12, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qadar u fadhiya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In