Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshada Maamulka Dowladda Hoose ee degmada Gaalkacyo Daahir Maxamuud Cilmi oo ay weheliyaan xubno ka socday Hay’adda UN-OCHA ayaa maanta kormeeray qaar ka mid ah kaamamka barakacyaasha ah ee magaalada Gaalkacyo. Iyagoo gaarsiiyay Agabyo yar oo aan badneyn balse qeyb ka qaadan kara in ay ku soo saartaan waxyar oo ay ku kabtaan nolal maalmeedkooda.
Qaar ka mid ah Qoysaska barakacyaashaa ee ku nool xeryaha ay booqdeen ayaa xusay inay ka faa’iideystan doonaan, si ay noloshooda ugu maareeyaan.
Agaasimaha arrimaha bulshada Maamulka Dowladda Hoose ayaa sheegay in agabkan aysan ku filneyn dadka barakacyaasha, wuxuuna hay’adaha samafalka ka dalbaday in loo soo kordhiyo agabka farsamada gacanta ay ku shaqeynsan doonaan dadka dan yarta ah ee ku nool magaalada Gaalkacyo.