Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Aboker Dubbe ayaa si rasmi ah caawa u furay tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo sanad waliba ay Warbaahinta Qaranka u qabato degmooyinka gobollada dalka, iyadoo sanadkan barnaamijka uu taaba galineyo Bangiga IBS.
Munaasabad kooban oo lagu furayey Tartan Cilmiyeedka Ramadaan ee sanadkan oo lagu qabtay Istuudiyaha 7aad ee Radio Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay Agaasimaha Radio Muqdisho, Ku-simaha Agaasimaha Telefishinka Qaranka, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo xubnaha guddiga tartan cilmiyeedka Bisha barakeysan ee Ramadaan.
Guddoomiyaha Guddiga tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka Yaxye Cali Faarax oo ugu horeyn madasha ka hadlay ayaa sheegay in sanadkii 11aad la qabanayo tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka, ayna ku tartamayaan 30 degmo oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Gobollada kale ee dalka.
“Waxaa jirta inaan xiriiro la sameynay Maamulada Degmooyinka Baydhabo iyo Beladweyne ee Gobollada Baay iyo Hiiraan, kuwaasi oo cudur daar muujiyay, waxaana ku badalnay Degmooyinka Buur-hakabo iyo Buula-burte oo sanadkan tartanka ka qeybgalaya, waxaana u rajeynayaa dhamaan tartamayaasha inay soo bandhigi doonaan aqoon”. Ayuu yiri Yaxye.
Cabdinaasir Cabdiqaadir Saalax oo ah qoraaga buugga kobci aqoontaada oo ka kooban su’aalihii iyo Jawaabihii tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka ee tobankii sano ee aynu ka soo gudubnay ka baxayay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in caawa uu ku faraxsanyahay in lagu casuumo furitaanka tartanka, isla markaana buuga laga heli karo meel kasta oo ka mid ah goobaha ganacsiga ee dalka, maadaama uu soo koobayo aqoon.
Shuceyb Maxamuud Maxamed Madaxa Suuqgeynta ee Bangiga IBS oo isna furitaanka tartanka ka hadlay ayaa sheegay in Warbaahinta Qaranka ay tahay Waarbinta u taagan u adeegidda bulshada, isagoo intaa ku daray inay farxad u tahay in sanadkii 2aad oo xiriir ah ay taabageliyaan tartan cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Abokar Dubbe oo ugu horeyn Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa hoosta ka xariiqay in tartanka uu yahay mid ay degmooyinka ku tartamayaan aqoon, loogana baahanyahay inay muujiyaan asluub wanaag.
“Waxaan shacabka ugu hambalyaynayaa bilashada bisha Ramadaan, Waxaan Alle ka baryaynaa in uu dalkeena ka dhigo dal xasiloon, barwaaqo ah, dadkuna ay isu gurmadaan, waxaan murugada la qeybsanayaa ganacsatada magaalada Hargeysa oo ku hanti beelay dabkii xalay ka kacay Suuqa, kan Xukuuumad ahaan waan la qeybsaneynaa shacabka xanuunka iyo murugada
Wasiirka mar uu ka hadlayay ahmiyadda uu tartanka u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa ugu horeyn bogaadin u jeediyay howlwadeennada Warbaahinta Qaranka sida ay markasta uga go’antahay u adeegidda bulshadooda xilliyadan adag, waxana uu xusay in tartanka uu yahay mid clmi iyo aqoon lagu kala kororsanayo.
“Barnaamijkii tartan Cilmiyeedka Warbaahinta Qaranka oo inoo socon doono muddo 30 cisho ah waa uu inoo furanyahay”. Ayuu yiri Wasiir Dubbe.