Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 8-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Jowhar iyo Marka oo ka kala tirsan Gobollada Shabeelaha Dexe iyo Shabeelaha Hoose, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya
Tartameyaasha labada degmo ee Jowhar iyo Marka ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.
Jowhar
Tartameyaasha Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, Ma jirin hal su’aal ah oo ay ka jawaabeen oo waxa ay qaldeen dhamaan 7-dii su’aal ee la weydiiyay, balse waxa ay ka faa’iideysteen Hal su’aal oo soo hareermartay dhigooda Marka, sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Jowhar ay heleen waxay noqotay Labo (2) dhibcood.
Marka
Tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Lix su’aal, iyagoo iska qalday Hal su’aal, Waxa ay ka faa’iideysteen Saddex su’aal oo soo hareer martay Jowhar, sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Marka waxay noqotay Sideed iyo Toban (18) dhibcood.
Tartamayaasha Degmada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa caawa u soo gudbay wareegga labaad ee tartanka kadib markii ay tartanka ka reebeen dhigooda Jowhar, waxaana labada dhinac ay isugu hambalyeeyeen guusha iyo aqoonta ay ku tartameen.
Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 9-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Boondheere iyo Buur-Hakaba oo ka kala tirsan Gobollada Banaadir iyo Baay.
Sawir qaade:- Sakariye Shiddo