Sunday, July 27, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan

Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 10, 2022
in Tartan Aqooneedka Bisha Ramadaan, Tartanka Ramadaan, Wararka, Warka ugu Weyn
0
Tartamayaasha Degmada Buur-hakaba oo caawa u gudbay wareegga xiga ee tartanka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii kow iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah looga daawanayo Telefishinka Qaranka, lagana dhageysto Idaacadda Radio Muqdisho habeen waliba ayaa waxaa caawa kulankiisa 9-aad ee wareegga 1aad ku tartamay Degmooyinka Buur-Hakaba iyo Boondheere oo ka kala tirsan Gobollada Baay iyo Banaadir, waxaana barnaamijka sanadkii 2aad oo xiriir ah taaba-gelineya

Tartameyaasha labada degmo ee Buur-Hakaba iyo Boondheere  ayaa muujiyey tartan aad u adag, isla markaana ahaa mid xiiso gaar ah xambaarsan, iyagoo soo bandhigay aqoon iyo asluub wanaag labada dhinac inta uu tartanka socday.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti

July 27, 2025
Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

July 27, 2025

Buur-hakaba

Tartameyaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay waxaa la weydiiyey todobo Su’aal, todobadii su’aal ee la weydiiyay waxa ay ka jawaabeen Shan su’aal, halka ay iska qaldeen Labo su’aal,  Ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaa darteed wadarta guud ee dhibcaha tartameyaasha Degmada Buur-hakaba ay heleen waxay noqotay Toban (10) dhibcood oo kaliya.

Boondheere

Tartamayaasha Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir waxaa dhankooda la weydiiyay todobo su’aal, waxa ay ka jawaabeen Afar su’aal, iyagoo iska qalday Saddex su’aal, Si la mid ah dhankooda ma jirin wax ka faa’iideysi ah oo ay heleen,  sidaasi darteed wadarta guud ee dhibcaha ay heleen tartameyaasha Degmada Boondheere waxay noqotay Sideed (8) dhibcood.

Hadaba kulankii 9-aad ee tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka caawa waxaa wareegga xiga u soo gudbay tartamayaasha Degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay, ayadoo gebagebadii ay labada tartame isugu hambalyeeyeen guushaasi.

Habeen dambe haddii uu Alle idmo oo ah habeenka 10-aad ee tartanka, waxaana ku tartami doona degmooyinka Jilib iyo Dhahar oo ka kala tirsan Gobollada Jubbada Dhexe iyo Sanaag.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo casho sharaf u sameeyay Xildhibaanno “SAWIRRO”

Next Post

Next Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti

July 27, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta kulan miro-dhal ah kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada ee dalka Jabuuti...

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

Dab ka kacay diyaarad ay leedahay shirkadda American Airlines

July 27, 2025
0

Rakaabkii saarnaa diyaaradda American Airlines ayaa si deg-deg ah looga daadgureeyay qaybta badbaadada ee diyaaradda, kadib markii ay soo wajahday...

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

Ciidamada Qaranka oo fashiliyay dhagar ay khawaarijtu qorshaynaysay inay ka gaystaan deegaan dhaca Hiiraan

July 27, 2025
0

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo kuwa xaq-udirirka deegaanka ayaa hawlgal ay u fuliyeen si wadajir ah, waxa ay ku fashiliyeen dhagar...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada haweenka ee SSC-Khaatumo

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo la kulmay qaar ka mid ah ururrada haweenka ee SSC-Khaatumo

July 27, 2025
0

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee SSC-Khaatumo ayaa xarunta dhexe ee Guddiga ee ku taalla magaalada Laascaanood...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In