Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa caawa fasaxay kuraasta kala ah HOP204 iyo HOP103, oo laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed.
Sidoo kale Guddiga ayaa go’aamiyey in lagu noqdo doorashada kursiga HOP154 oo ka mid ahaa 3-dii kursi ee Koonfur Galbeed lagu diiday natiijada doorashadooda.
Cabdi Xiis Udan oo dhanka Maaliyadda u qaabilsan guddiga FIET ayaa warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in kursiga Hop#154 ee ay ku soo baxday Xildhibaan Sareedo aan loo marin habkii saxda ahaa, guddiguna uu go’aan ku gaaray in dib loogu laabto kursigaas.
Xubno ka tirsan Guddiga Doorashooyinka oo Guddoomiye Muuse Gelle uu hoggaaminayo iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa Baydhaba u tegay xal u helida khilaafkii ka dhashay natiijada kuraastaas.